Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Kooxo ku hubaysan ayaa xalay xaafadda laba-dhagax ee degmada Wardhiiglay ku toogtay sarkaal ka tirsanaa hay'adda nabad-sugidda dowladda Soomaaliya, iyadoo markii uu dilku dhacay ay ciidamada nabad-sugiddu baaritaanno ay dad badan kusoo qabqabteen ka sameeyeen xaafaddaaas.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxaha hubeysan oo watay bastoolado ay dileen sakraalka ka tirsan ciidamada ammaanka dowladda, kaddibna ay goobta buuxiyeen ciidammo fara badan oo ka tisran kuwa nabadsugidda, kuwaasoo sameeyay howgal ay ku qabqabteen dad fara badan.
"Kooxaha dilka geystay wajiga ayaa u qarsanaa, waxaana markii ay sarkaalka dileen goob soo gaaray ciidammo fara badan, dadkii la qabtayna waxaa loo waday dhinaca madaxtooyada," ayuu yiri goobjooge ku sugan xaafadda laba dhagax oo saxaafadda la hadlay saakay.
Sidoo kale, goobjooguhu wuxuu sheegay in dadka la qabqbatay ay intooda badan ahaayeen dhallinyaro, kuwaasoo looga shakiyay inay lug ku lahaayeen dilka xalay loo geystay sarkaalka nabadsugidda ka tirsanaa.
"Howlgallada wali way socdaan... xalay illaa saakay dhaqdhaqaaq ma jiro, dadkii la qab-qabtay waxaa loo waday madaxtooyada... dadka oo dhan cabsi ayaa haysa gaar ahaan dhallinyarada... markii dad la dilo ciidamada dowladdu baaritaanno ayay sameeyaan, kuwaasoo dad badan lagu qabqabto," ayay saxaafadda u sheegeen qaar ka mid ah dadka ku nool xaafadda Laba-dhagax oo uu xalay dilku ka dhacay.
Ma ahan markii ugu horreysay oo dil loogu geysto degmooyinka gobolka Banaadir saraakiil ka tirsan hay'adaha kala duwan ee dowladda, balse dilkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli shalay ay ciidamada dowladdu baaritaanno kusoo qabqabteen bambooyin iyo dad fara badan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Kooxo hubeysan oo Sarkaal ciidanka dowlada ka tirsan ku dilay Degmada Wardhiigley iyo howgallo degmadaas laga sameeyay
More News
- Ciidammo ka kala tirsan Maamullada Ximin iyo Xeeb iyo Gal-Mudug oo ku dagaalmay deegaanka Hobyo ee Gobolka Mudug
- Milateriga Kenya oo sheegay inay Kismaayo ka heleen Xabaal ay ku Aasnaayeen Afar ka mid ah Ciidamada Milateriga Kenya
- Hay’adda ICRC oo Mucaawino u qeybisay dadkii ka barakacay Fatahaadihii Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan
- Askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo sadex qof dilay kaddib markii ay rasaas ku fureen gaari rakaab siday
- Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo ku hanjabay in Al-shabaab ay ka saarayaan Gobolladaas
- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay inuu Nabadda ku Raadinayo dib u heshiiin soona dhisayo xukuumad tayo leh