Arbaco, November 07, 2012 (HOL) — Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in maalinta Sabtida ah ee soo socota la horkeenayo baarlamaanka xukuumadda cusub ee uu soo dhisay ra'iisul wasaare, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid).
Prof. Jawaari ayaa hadalkan ku sheegay khudbad uu ka jeediyay fadhigii uu maanta yeeshay baarlamaanka Soomaaliya, isagoo xildhibaannada ugu baaqay inay isku diyaariyaan kulankaas si xukuumad codka kalsoonida ah loogu qaado.
"Xukuumaddan waxaan u soo xushay anigoo u arkay inay wax ka qaban karaan xaaladda uu dalka ku sugan yahay," ayuu yiri Saacid oo hadlayay habeenkii uu soo magacaabay golihiisa wasiirrada oo ay ku jiraan laba haween ah.
Sidoo kale; madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa sheegay in wasiirrada lasoo magacaabay aanay jirin cid loogu roonaanayay iyo cid loogu darnaanayay, balse ay garashadooda kusoo xuleen, isagoo sheegay inay u arkeen inay yihiin kuwo howsha loo idmaday kasoo bixi kara.
Xildhibaannada baarlamaanka oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaan la ogeyn go'aanka ay ka qaadan doonaan xukuumadan oo ah tii ugu yareyd ee lasoo dhiso muddo 40-sano ka badan.
Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Jawaari ayaa xubnaha maqan ee baarlamaanka ka tisran ugu baaqay inay yimaadaan dalka si ay uga qayb-qaataan howlaha culus ee baarlamaanka horyaalla, isagoo sheegay in mudanihii aan amarkan adeecin laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay maalmihii ugu dambeeyay ka doodayeen xeerarka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo xildhibaannadu ay aad uga hadlayeen habka qoraalka xeerarka iyo qaar ka mid ah qodobbada oo ay u arkeen inay yihiin kuwo ku culus xildhibaannada.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo sheegay in Xukuumadda Cusub la horkeeni doono Baarlamaanka Sabtida soo socota
More News
- Wafdi ka socday Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo loo Diiday in ay Gudaha u Galaan Kismaayo
- Maxkamadda Gobolka Bari ee Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay Nin Saaxiibkiis Dilay Kaddibna Meydkiisa Jar-jaray
- Ururka Saxaafadda Somaliland oo Cabsi ka muujiyey qodob ku jira xeerka Hay’adda Sirdoonka ee dhawaan la ansixiyay
- Ololihii Tartanka Doorashooyinka Somaliland oo Wareegii Labaad galay iyo Ciiriri laga Dareemayo Magaalooyinka Waaweyn [SAWIRRO]
- Hoggaamiyaha Ururka Al-Qaacida oo ugu baaqay Al-shabaab inay xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Ciidamada Soomaaliya ku sugan
- Dableey Bastoolado ku hubeysan oo Qof rayid ah ku toogtay Degmada Mandheera iyo kooxo kale oo Dab Qabadsiiyay Guryo
- Baabuur Walxaha Qaraxa laga buuxiyay oo ku Qarxay dibadda Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho
- Madaxweyene Obama oo mar labaad loo doortay inuu afar sano oo kale hoggaamiyo Mareykanka
- Danjire Cali Ameeriko oo ku baaqay in la joojiyo dhoofka dhuxusha ee ka billaabatay Dekedda Magaalada Kismaayo
- Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya oo qof rayid ah ku toogtay Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho
- Wefdi ka socda shirkad kuwa shiidaal baara ah oo Magaalada Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland [SAWIRRO]
- CABDIWELI GAAS: "Dadweynaha ku nool Deegaannada Puntland waxay ii sheegeen in ay jiraan xoriyad la'aan iyo cadaadis"