4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 5 , 2012
Dadweynaha Hargeysa oo Aragtiyo kala duwan ka bixiyay Jagada sare ee loo dhiibay Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan

Isniin, November 05, 2012 (HOL) — Tan iyo markii ay soo baxday in loo magacaabay Ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ahna wasiirka Arrimaha dibadda Foosiya Yuusuf X. Aadan, ayaa goobaha la iskugu yimaaddo magaaladda Hargeysa aad loogu hadal hayey, iyadoo laga doodayey saamaynta ay ku yeelan karto qadiyadda Somaliland iyo wada halkii labadda dhinac u dhexeeyey.

Inkastoo shalay galab si rasmi ah loo magacaabay hadana maalmihii u dambeeyey ayaa wararka sheegaya in jagadaasi loo magacaabayo Foosiya Yuusuf si weyn ugu jireen suuqa, loona hadal hayey, haseyeeshee waxa ilaa xalay iyo maantaba markii si rasmi ah loo shaaciyey magacaabistaasi lagaga doodayey saamaynta ay wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ku yeelan karto wada hadalkii u socday Soomaaliya iyo Somaliland iyo guud ahaan arrimaha gudaha iyo dibadda somaliland.

“Horta wasiirkan cusub waxa soo xushay madaxweynaha Xasan Sheekh oo ay waxbarashadda ka wada shaqayn jireen, aqoon fiican ay isku leeyahay, marka anigu ma qabo in saamayn ku yeelankarto Somaliland, waxaanay la mid tahay uun siyaasiyiin hore xilalkan oo kale qaban jiray, dee jabuuti iyo Itoobiyaba dad Somaliland ka soo jeedda madax way ka yihiin, balse ma sheegano markaa kuwaas uun bay la mid tahay..” ayuu yidhi Axmed Muxumed Jicsan oo ka mid ah dhallinyaradda reer Hargeysa.

Mukhtaar Suldaan ayaa isna ku dooday in jagadaasi madaxweynuhu u xushay in sawir uu caalamka u muujiyo inay somaliland ka mid tahay soomaaliya ay tahay, maadaama oo uu soo xushay siyaasi ka mid ahayd siyaasiyiinta somaliland “madaxweynuhu waxa uu u magacabay xilkan foosiya si uu sawir ahaan u tuso caalamka in somaliland ka mid tahay Somalia, isla markaana siyaasi xisbi siyaasadeed furatay uu ka dhigo golihiisa wasiiradda”

Inkastoo dadku ku kala aragti duwanaa arrimahan, balse qaar kale ayaa qaba in madaxweynuhu caalamka tusayey in aanu ka mid ahayn ururada islaamka ee lagu sheegayo, sidaa darteed qof haweena oo reer galbeedku tixgaliyaan u magacaabo, isla markaana uu shaabadaas lagu shaanbadaynayo ururada islaamka iska leexiyo, doorkii haweenkana uu kor u qaado oo uu noqday ninkii ugu horeeyey ee jagaasi u magacaabo haweenay.

 “Horta caalamkan wuu ogyahay Somaliland oo barigii hore ee ay sidan ka jilicsada sanayd ba saamayn ku yeelan lahaa qof reer somaliland oo la magacaabaa, laakiin wax saamayn ah oo ay ku yeelan karto ma jirto, maadaaama oo aanay Somaliland taageero badan ka haysan”sidaasna waxa ku dooday Maxamed Dheera oo dhigta cilmiga siyaasadda oo ka faaloonayey sida uu arko arrintaasi.

Cabdiraxmaan Faysal oo ka mid ah sharciyaqaan jaamacadda Hargeysa ka soo qalinjabiyey ayaa ku dooday in aanay qayb ka noqon karin wada hadalkii somalilland iyo Soomaaliya u furmay, maadaama oo qodob odhanaya uu jiro in wixii somaliland ka soo jeedda aan lagu dari karin guddiyadda wada hadli doona, sidaa darteed wax saamayn ah aanay ku yeelan doonin wada hadalka bilowga ah ee labadda dhinac.

“madaxweynaha Somalia waxa uu ciyaaraya dublamaasiyad uu ku dabrayo Somaliland, waxa uu imika magacaabay Foosiya wasiirka Arrimaha dibadda, waxa kale oo warar kale sheegaya in Axmed Samatar iyo Cali Galaydh u kala magaacabo safiirka Qaramadda midoobay iyo Maraykana, taasina waxay noqonaysa in saddex qof oo reer somaliland u kala magacaabo xilal calculus, oo saamayn balaadhan ku yeelan karta arrimaha Somaliland”sidaasna waxa ku dooday Cabdiqaadir Cajab.

Si kastaba ha ahaatee, dad badan ayaa u garaabay Foosiya Yuusuf X. Aadan xilkaas loo magacaabay, maadama oo carqalado badan kala kulan tahay somaliland, waxyaalaha ay rabtay ee ay doonaysay inay ummadda u qabato lala garan waayey, taasina ay keentay  inay hesho meel lagu ixtiraamayo oo ay hamigeedda siyaasadeed ku fulin karto .

Wasiirkan cusub ee Arrimaha dibadda Soomaaliya, Marwo:Foosiye Yuusuf X. Aadan ayaa ka soo jeedda qoys waxbarashadada caan ku ahaa, waxaanu aabeheed Yuusuf X. Aadan Qabile ka mid ahaa somaalidii ugu horeeyey wax barata, isla markaana qayb weyn ka qaatay waxbarashadda soomaalidda, waxaanu ahaa abwaan caan ah oo gabayo dhaxal gal ah ka tagay.

Sidoo kale Foosiye waxay aasaastay jaamacadda Hargeysa, waxanay gudoomiye u noqotay guddida jaamacadda Hargeysa, waxa kale oo madaxweyne isku soo sharaxday 2003-dii, mar kale waxay isku dayday inay urur siyaasadeed furo si hamigeedda wax u qabashadda dadkeeda fursad u hesho, nasiib daro waxay ka mid noqotay ururaddii qiimeynta ku hadhay, inkastoo dadaal xoogan iyo olole weyn gashay, waxaanay markii dambe saacaddo kooban lagu xidhay saldhiga dhexe ee magaaladda Hargeysa, mar ay isku dayday inay mudahaarad ka dhan qaabka loo reebay ku dhigto magaaladda Hargeysa.

Si kastaba ha ahaatee, foosiya Yuusuf ayaa wax badan ka soo qabatay Somaliland, waxaana dadku intooda badan aaminsan yihiin inay tahay qof meesha ay joogtaba wax ka qaban karta, kana dhex muuqan karta.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland