4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 5 , 2012
Ololaha Doorashada dalka Mareykanka iyo ka Qeyb-galka Soomaalida ku nool

Isniin, November 05, 2012 (HOL) — Doorashada guud ee dalka Mareykanka ayaa maraysa meel aad u xasaasi u ah, iyadoona ay saacado kooban innaga xigaan xiliga loo dareerayo oo ah maalnimada berri ah oo ah 06-da bishaan November.

Labada nin ee sanadkan ku loolamaya jagada madaxweynemada Mareykanka oo kala ah madaxweynaha haatan xilka haya Barack Obama iyo Mitt Romney oo ka socda xisbiga Jamhuuriga ayaa ku jira ole-olahoodu ugu xoogga badna ee ugu dambeeyey, iyagoo socdaal ku maraya qaar ka mid ah gobollada dalka, isagoo mid waliba soo bandhigaya, kana gadaya shacabka Mareykanka qorshihiisa siyaasadeed ee uu wadanka ku hogaamin doono haddii ay guushu raacdo, islamarkaasna uu kaga dalbanayo in ay talaadada berri ah codkooda siiyaan.

Dadka codkooda dhiibanaya ee doorashadaan ka qeybgalaya waxaa ka mid ah kumaananka Soomaalida ah ee ku dhaqan Mareykanka, iyadoona gobollada ay Soomaalidu ugu badan tahay sida Minnesota iyo Ohio laga dareemayo dhexdeeda dhaqdhaqaaqa iyo hadal-haynta doorashada.

Wadooyinka ayaa waxaa lagu arkayaa dhalinyaro Soomaali ah oo si mutadawacnimo ah kula shaqeynaya xisbiyada iyo siyaasiinta tartamaya ee ay dantooda ka dhex arkaan, kuwaas oo sita boorar iyo caalamado ku saabsan doorashada, iyadoona dhalinta olo-olohu ay  garaacayaan irdaha guryaha ay Soomaalidu degan tahay, si ay ugu dhiiragaliyaan in ay soo baxaan waqtiga doorashada oo ay codkooda dhiibtaan.

“Anigu waxaan u sheegnaa dadka Soomaaliyeed ee aan ugu tagno guryahooda iyo goobahooda ganacsiga in ay codkooda dhiibtaan, una codeeyaan xisbiga Dimiquraadiga, oo isagu aan u aragno in uu yahay mid ka shaqeynaya danta bulshada, gaar ahaan dadka soogalootiga ah oo ay Soomaalidu ku jirto,” sidaasi waxaa ii sheegay Cusmaan Cali Axmed, oo ah nin dhalinyaro ah oo ole-olaha doorashada kala shaqeynaya xisbiga Dimuquraadiga.

Dhinaciiisa, Murshid Cabdi Baaruud, waxaa dhawaan xisbiga Jamhuurigu u doortay gudoomiyaha dadka soo galootiga ah ee gobolka Minnesota, waxaana uu warbixintaan u sheegay in ay Soomaalida ku dhiiragaliyaan in codkooda ay dhiibtaan, islamarkaasina ay u codeeyaan xisbiga uu ka tirsan yahay.

“Dadka Soomaalida ah waxaa u baraarujinaynaa in marka la gaaro waqtiga doorasha ay codkooda dhiibtaan oo ay doortaan madaxda ka tartamaysa xisbiga Jamhuuriga ee aan ka tirsanahay, waayoo waxbadan ayuu u qabta dadka soo galootiga ah oo ay Soomaalidu ka mid tahay,” ayuu yiri Murshid.

Wadankaan oo ka mid ah kuwa horumaray ee dunida isbeddal waliba oo ka dhaca’ waxaa uu xiran yahay siyaasada, gaar ahaan xiligaan oo kale oo ay shacabku codkooda ku soo doortaan shaqsiga ay u arkaan in uu wax ku soo kordhinkaro noloshooda iyo mustaqalka hogaaminta dalka, hase ahaatee dadka Soomaaliyeed oo ka mid ah soo galootiga Mareykanka ku dhaqan fursadaasi oo kale kuma aysan haysan dalkooda hooyo, in badan oo iyaga ka mid ahna wax badan kama fahamsana nidaamka doorasho iyo waxa uu noloshooda uga dhigan yahay, waxaana Xaashi shaafi, oo madax u ah urur u dhaqdhaqaaqa arrimaha Soomaalida, uu qabaa in ay Soomaalidu ka qeybgalaan isbeddalka siyaasada iyo nolol mujtamaceedka wadanka, si noloshooda ay sare ugu qaadaan.

“Siyaasiintu waxaa ay saameyn ku yeeshaan nolosheena sida: waxbarashada, caafimaadka, guryeynta, socdaalka iyo isku keenida qoysaska kala maqan, marka maadaama ay dhinacyadaasi oo dhan saameyn noogu yeelanayso, waxaa muhiim ah in aan codkayga ugu hiiliyo mustaqbalkeyga iyo kan ilmahaygaba, waana taasi waxa aan dadka Soomaaliyeed reer Minnesota ku dhiiragalinaa markasta,” ayuu yiri Xaashi Shaafi.

Tirada Soomaalida ku dhaqan Minnesota waxaa lagu qiyaasaa ilaa 60,000 oo ruux, inkasta oo aysan taasi ahayn tiro koob dhab ah oo la sameeyey, waxaana la aaminsan yahay in ay siyaasad ahaan taageersan yihiin xisbiga Dimuquraadiga, hase ahaatee dhinaciisa xisbiga kale ee Jamhuurigu haatan waa uu dareensan yahay in aan la dhayalsan karin in intaasi oo cod ay hal dhinac raacdo.

“Runtii waa wax cad in ay Soomaalidu taageersan yihiin, oo ay codkooda siiyaan Dimuquraadiga, xisbigeenuna taasi waa uu ku baraarugsan yahay, laakiin marka la fiiriyo sanadihii ugu dambeeyey Soomaali badan ayaa dhinaceena [Jamhuuriga] u soo wareegaysa, waqti badna waan galinaa in ay Soomaalidu fahmaan siyaasadda uu ku shaqeeyo xisbiga Jamhuurigu,” ayuu yiri Murshid Cabdi Baaruud, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Si kastaba ahaatee doorashada sanadkaan ayaa waxaa la rumaysan yahay in ay ka mid tahay doorashooyinkii ugu adkaa ee muddooyinkaan soo mara dalka Mareykanka, iyadoona siyaasiinta tartamaysa ay aad isugu dhow yihiin marka la fiiriyo cod aruurinta aan rasmiga ahayn ee waqtiga doorashada ka hor ay warbaahintu ka sameyso gobollada gundhiga u ah doorashada Mareykanka.

Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota