4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 5 , 2012
Mudane Yuusuf Xasan oo ka Warbixiyay Waxqabadkiisa Mudadii uu ahaa Xildhibaanka Deegaanka Kamakunji ee Nairobi

Isniin, November 05, 2012 (HOL) —Xildhibaanka laga soo doortay deegaaanka Kamakunji ee magaalkada Nairobi Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi ayaa kulan uu la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafadda ay Soomaalidu ku badatahay ee Islii uga warbixiyay waxqabadkiisa mudadii uu xilka hayay.

Kulanka oo ay kasoo qeybgaleen, Odoyaal Dhaqameed, Culumaa'udiin, Aqoonyahanno, Haween iyo dhalinyaro ayuu xildhibaanku uga hadlay waxqabadkiisa mudadii uu xilka hayay isagoona sheegay in 14-kii bilood ee uu xildhibaanka ahaa in uu xoogga  saaray sidii uu wax uga qaban lahaa dhibaatooyinkii ka jiray xaafadda, wuxuuna xusay in isabadallo la taaban karo uu ka sameeyay dhinacyo badan.

“Waxaa jiri jirtay in Boolis xaafadda lagu soo daadiyo si ay dadka guryaha ugu galaan, waxaas oo dhan waan dhameeyay waana ka hortagay,” ayuu xildhibaanku yiri isagoona sheegay in sidoo kale uu wax weyn ka qabtay ammaanka xaafadda.

Masuulkani ayaa sheegay in ay meel fiican mareyso howlaha dhismaha ee ka socdo xaafadda, wuxuuna xusay in imika uu dhismo xoog leh ka socdo wadooyinka 2nd Avenue iyo tan kale ee Townka aada, kuwaasoo uu xusay in la filayo in la dhameeyo bisha December ee sanadkan, wuxuuna sheegay in sanadkan kale gudihiisa dhisme laga bilaabi doono wadada 1st Avenue ee islaa xaafadda Islii.

Mudanahani ayaa sheegay in lacag dhan 3,000,000,000 Ksh/ (3 Billion Kenya Shilling) loo qorsheeyay dhismaha wadooyinka xaafadda Islii.

“Mudadii aan xilka hayay waxaan anigoo danta xaafadda u doodayo baarlamanka ka hadlay in ka badan 260 Jeer, halka xildhibankii iga horeeyay uu ka hadlay wax ka yar 25 jeer, taasoo muujineysa in uusan kala jecleyn nabadda iyo horumarka xaafadda,” ayuu xildhibaanku hadalkiisii raaciyay.

Xildhibaanka ayaa ugu danbeeyn ka codsaday dadka ku dhaqan xaafadda Islii in ay marlabaad codkooda siiyaan, isagoo ballan qaaday in uu sii laba jibaari doono dadaallada ku aadan dhinaca horumarka ee uu ka wado xaafadda.

Sidoo kale waxa goobta ka hadlay Odoyaal, Ganacsato iyo Haween kuwaasoo dhamaantoodba ammaan u jeediyay xildhibaan Yuusuf Xasan oo ay sheegeen in uu wax weyn ka qabtay xaafadda Islii.

Sheekh Shakuul oo katirsan ganacsatada Xaafadda Islii oo goobta ka hadlay ayaa ugu horeyn xildhibaanka ugu hambleeyay waxqabadkiisa oo uu xusay in isbadal muuqda uu ka sameeyay xaafadda ay Soomaalidu ku badantahay ee Islii.

Sheekh Shakuul ayaa hoosta ka xariiqay in dhismooyinka ka bilowday xaafadda ay kusoo aadeen xilligii uu ugu xoogga badnaa ganacsigoodaa maadaama sanadka cusub uu fooda nagu soo hayo, taasoo uu sheegay in xooga hoos u dhac ay u keeneyso ganacsigooda, balse wuxuu xusay in ay arintaasi u dulqaadanayaan oo ay soo dhaweynayaan dhismayaasha ka socda xaafadda.

Kulanka uu xildhibaanku la qaatay qebyaha bulshada ku dhaqan xaafadda Islii ayaa kusoo beegmaya xilli ay fooda nagu soo heyso doorashada, wuxuuna xildhibanaku dadaal ugu jiraa sidii uu markale u qaban lahaa jagada uu imika hayo.

Hiiraan Online, News Desk