4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 5 , 2012
Dhoofinta Dhuxusha oo Si Toos ah uga Bilaabatay Dekedda Magaalada Kismaayo

Isniin, November 05, 2012 (HOL) —Waxaa si toos ah uga bilaabatay marsadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo dhoofinta dhuxusha, xilli mudooyinkii ugu danbeeyay ay magaalada ka soconayeen kulamo arintaasi la xiriira oo u dhexeeyay ganacsatada iyo  masuuliyiinta maamulka KMG ee Kismaayo.

Mid kamid ah ganacsatada reer Kismaayo oo magaciisa kusoo gaabiyay Abdullahi ayaa HOL u sheegay in ay si rasmi ah u bilaabatay dhoofinta dhuxusha, wuxuuna xusay in dhuxusha lagu rarayo Maraakiib iyo Doomo ku xiran Dekedda.

“Waxa la go’aamiyay in la qaado dhuxusha ku diyaarsan magaalada, shaqaduna hadda si wanaagsan ayay u socotaa,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Mid kamid ah horjoogayaasha xamaaliga dekedda Kismaayo oo lagu magacaabo Nuur C/raxmaan ayaa HOl u sheegay in shaqada dhoofinta dhuxusha ay si dardar leh uga socoto Dekedda.

Sidoo kale waxa uu yiri “Shaqada si wanaagsan ayay u socotaa daraad ayaa la fasaxay in dhuxusha taal la dhoofiyo, ilaa shalayna waxaa dhuxusha lagu soo daabulay gaadiid hadda ku diyaarsan gudaha dakadda.”:

Saraakiil katirsan maamulka Kismaayo oo aan xiriir la sameynay ayay inoo suurogeliweysay in aan faahfaahin ka helno.

Maraakiibta iyo Doomaha ganacsi ee ku xiran Kismaayo ayaa laga leeyahay wadanka isu tagga Imaaraadka Carabta, waxaana mudooyinkii ugu danbeeyay uu muran xooggan ka taagnaa arinta la xiriirta dhoofinta dhuxusha.

Muranka yaa la xiriiray kadib markii saraakiisha Kenya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay amar ku bixiyeen in lajoojiyo dhoofinta dhuxusha arintaasoo ay ka horyimaadeen qaar kamid ah xubnaha maamukla KMG iyo ganacsatada magaalada Kismaayo.

Dhoofinta dhuxusha ayaa la filayaa in si rasmia ah looga mamnuuco dekedda Kismaayo kadib markii la raro dhuxusha faraha badan ee  imika ku diyaarsan kaamamka dhuxusha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.


--
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya