4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 4 , 2012
Reer Finland oo soo dhaweyn weyn u suubiyey ciyaaryahankii Baanadir Telecom iyo Xulkii Qaranka Soomaaliyeed Abdulqaadir Mooge


Axad, November 04, 2012(HOL): Magaalada Helsinki ee wadanka Finland waxaa ka dhacay soo dhoweyn aad u weyn oo loo sameeyey cayaaryahanka weyn ee Abdulqadir Mooge oo u soo cayaaray kooxda Banaadir Telecom iyo Qaranka Somalia, iyadoo ay ku soo dhoweeyeen Finland dhammaan bahda Isboortiga ee reer Finland oo ay horkacayeen ururka dhaqanka iyo isboortiga ee Helsinki.

 

Mr. Mooge oo ay weheliyeen safarkiisa 20 shaqsi oo ka kala yimid wadanka UK khaasatan waqooyiga London ayaa ahayd mid aan hore loogu arag magaalada Helsinki taasoo muujineysa wanaaga iyo saaxiibtinimada uu muteystay Mr. Mooge.

 

Guddoomiyaha Ururka Dhaqanka iyo Isboortiga Finland Mr Imad ayaa waxaa uu ii sheegay inuu ku faraxsanyahay in uu halkan kusoo dhaweeyo wafdigan aad u balaaran oo isugu jira ciyaaryahanadii xulka qaranka iyo kuwii heerka koowaad ee barisamaadka,casumaada aan u fidinay walaaleheen reer London waa wax ay naga mutaysteen haddii aan nahay ururka dhaqanka iyo isboortiga Filand waxaan had iyo goor diyaar u nahay inaan sidaan iyo ka fiican usoo dhaweyno.

 

Soo dhaweyntan loo suubiyey Mr.Mooge iyo dhamaan wafdigii cuslaa ee lasocdey ayaa waxaa ay intii ay kusugnaayeen magaalada Helsinki ee wadanka Finland waxaa loo suubiyey casumaado kala duwan oo ay ka mid ahaayeen ciyaaro iyo iyaga oo soo booqdey goobo loogu talagalay dalxiisayaasha waxaa kaloo ka mid ahaa kuwo lagu abaal marinayey Mooge iyo wafdigiisa sidoo kalana isdhexgalka iyo isboortiga lagu hormarinayey.

 


Ururka Kanava ayaa ka mid ahaa dadkii u suubiyey casumaada Mr. Mooge iyo wafdigiisa iyaga sidoo kalana u suubiyeen casho sharaf halkaasna weliba ay ku gudoonsiiyeen abaalmarin.

 

Maalintii labaad ee Jimcaha  ayaa waxaa ay ahayd maalin martisharaftii ka timid London lageeyey goob isboorti oo lahayd dabaasha iyo welib SAUNA oo uu wadanka Finalnd can ku yahay,martida ayaa intaas ka dib ayaa marti sharaftii waxaa lageeyey casho sharaf gooni ah oo uu ugu talagalay ururkii casumay ee ururka dhaqanka iyo isbooriga Finland.

 

Runtii barnaamijyada loogu talagalay Mr Mooge iyo asxaabtiisa aad ayey u farabadnaayeen iyadoo isla markaa ay jireen cayaaro lagu maamusayey cayaaryahanka Mooge oo ay ka qeyb galeen seddex koox oo isku haleeley garoon da’dan oo ku yaala xaafadaha Somalidu ay degaan ee Helsinki koobkaas oo ay ku guuleysteen kooxdii uu watay gudoomiyaha ururka dhaqanka iyo isbbortiga ee Finland Mr Axmed Abdullahi Maxamuud “Imad”

 

Habeenkii sabtida waxaa loo sameeyey casho sharaf ay soo abaabuleen ururka dhaqanka kaasoo ka dhacay resturant aad u weyn oo ku yaala bartamaha Helsinki waxaaana ka soo qeyb galay dad aad u farabadan oo ka kala yimid Finland,Sweden iyo UK.

 


Ugu dambeyntii waxaa dhacay wada hadal ama debate looga hadley horumarinta isboortiga Somalia iyo sidii wax loogu qaban lahaa naadiyada ka dhisan gudaha Somalia,wada hadalkaan oo ahaa mid aad u xiiso badan waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Seuki 2013 isla markaana xubin ka ah GOS Mr Faysal Faarax Makaraan, ,waxaa bilado iyo koobab lagu gudoonsiyey dhamaan asxaabta Waqooyiga London ee la timid Mr Mooge iyo sida wanaagsan ee loogu soo dhoweeyey bahda isboortiga ee UK.








Abdiaziz Godah

[email protected]
Helsinki - Finland