4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 4 , 2012
Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya oo soo magacaabay Gole Wasiirro ah oo tiro yar


Axad, November 05, 2012(HOL): Ra’iisal Wasaraha Xukuumadda Soomaaliya  Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa maanta soo magacaabay Xubno wasiirro ah oo ka mid ah noqon doona Xukuumaddiisa.

 

10 Wasiir ayuu soo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha, kuwaasi oo kala ah:

 

1-Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan Ra’isul wasaare Kuxigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda

2- C/laahi Abyan Nuur Wasiirka Garsoorka, Cadaalladda, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

3- C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Gaashaandhigga

4- C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka

5- Maxamuud Xasan Suleymaan Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta

6- C/laahi Cilmooge Xirsi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

7- C/risaaq Cumar Maxamed Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Dalka

8- Muxyaddiin Maxamed Kaalmooy Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska

9- Maryan Qaasim Wasiirka Hormarinta iyo Adeegga Bulshada

10- Maxamuud Axmed Xasan Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

 Golaha_Wasiirada660.jpg

 Tobanka xubnood ee uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid oo badankood ah kuwo cusub ayaa waxaa haween ka ah 2 ruux. Xubnaha la magacaabay oo 9 ka mid ah ay joogeen goobta lagu magacaabay ayaa waxaa la horgeyn doonaa Baarlamaanka Soomaaliya si loo ansixiyo.

 

Xubnahan Wasiirrada ah ee uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa waxay aad uga yar yihiin xubnaha golihii wasiirrada ee loo soo magacaabi jiray xukuumadihii horay u soo maray Soomaaliya,  inkastoo kuwaasi  ay ahaayeen kuwo kumeel gaar ah.

 

Madashii lagu magacaabay Wasiirradan waxaa ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo sheegay in wasiirradan aan tirada badneyn aysan ahayn kuwo ay rabitaabkooda ku soo xuleen balse ay u arkeen kuwo xilka loo magacaabay gudan kara, ”Waxaan leenahay wasiirkii xilka loo magacaabay guta, waa mahadsan tahay dadkaaga iyo dalkaaga ayaana wax u qabatay, midkii aanan waxba qabanna waxaan leenahay naga raali ahaw".

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa 7-dii bishii hore ee Oktoobar Ra’iisal Wasaare u magacaabay Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid, kaasi oo 17-kii isla bishaas ka helay Baarlamaanka Soomaaliya kalsooni buuxda oo ra'iisal wasaaarenimadiisa lagu ansixiyay.

 

Dadka Soomaaliyeed ayaa si weyn u dhowraya waxa ay qabato dowladda cusub ee Soomaaliya oo wax badan ka duwan dowladihii Soomaaliya loo soo dhisayay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]