4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 4 , 2012
Roobab dabeylo wata oo waxyeeleeyay dad iyo xoolo oo ka da'ay deegaano ka tirsan Gobolka Togdheer ee Somaliland
Axad, November 04, 2012 (HOL) — Gobolka Togdheer deegaano ka tirsan, ayaa waxa ka da’ay roobab dabaylo wata oo waxyeelo u geystay dad iyo duunyadii deegaankaasi ku dhaqanaa.

“Dabeelo iyo daad farobadan ayaa burburiyey guryihii aqalo soomaaliga ahaa iyo kuwa dhismayaal ahba oo tuulooyinkaasi ah, waxaana halkaasi ka dhacay dhimasho dad iyo duunyaba iskugu jiray”ayuu yidhi badhasaabka gobolka Toghdeer oo la hadlayey BBC-da, waxaanu sheegay in laba qof ku dhinteen, xoolo lagu qiyaasay kun iyo dheeraad neefna ku dhinteen.

Badhasaabka gobolka Togdheer Mr:Cabdoo Aayar ayaa sheegay inay tuulooyin badan oo ay ka mid yihiin Qori-lugud, Taalo-bood, Dabaqabad, Balley Callane ay u daran yihiin deegaanada ay dhibaatada roobka iyo dabayaasha is wataa ku dhufteen, waxaanu xusay inay gaadhsiiyeen halkaasii dawooyin iyo raashin, balse ay u baahan yahay caawimo dheeraaad ah.

Sidoo kale, Badhasaabku waxa uu sheegay in meelo badan oo deeganadaas Daadku qaaday ay kaneeco ka dhalatay, loona baahan yahay in xaga caafimaadka wax laga qabo, dawooyinna gaadhsiiyeen.

Roobabkan ka da’ay deegaankaasi gobolka Togdheer ka mid ah ayaa la sheegaya inuu dhibaato badan u geystay, kuna geeriyoodeen laba qof oo kala ah gabadh iyo wiil, halka xoolo lagu qiyaasay 1,330 neef ku dilay.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland