4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 4 , 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka
Axad, November 04, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde wafdi ka socda dalka Mareykanka oo ay hoggaaminaysay, Windhi Sherman oo ah xoghaye hoose oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Kulanka oo ahaa mid ay albaabbadu u xiran yihiin ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in kulanka ay uga hadleen isaga iyo wafdiga ka socday Mareykanka sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal loogana wadashaqaeyn lahaa horumarka Soomaaliya.

"Shirka maanta aan halkaan kula galnay xoghaya hoose ee ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka; waxaan uga hadlanay xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka, wixii aan kawada hadalnayna intooda badan waan isla garanay," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu xusay in wafdiga uu kala hadlay sidii dowladda Soomaaliya gacan looga siin lahaa dib u dhiska dalka iyo soo celinta ammaanka. Isagoo sheegay in wafdiga ay ku wargeliyeen in Mareykanka uu sare u qaadayo kaalmada uu siiyo Soomaaliya, taasoo uu soo sheegay inay soo dhaweynayaan.

"Waxyaabaha uu Mareykanka naga caawinayo waxaa ka mid ah, shaqo abuurista oo qayb ka ah kobcinta dhaqaalaha, sugidda amniga iyo maamul u sameynta gobollada dalka, waxaana ballanqaadnay in kaalmada Mareykanka ay ka muuqan doonto guud ahaan dhinacyadaas," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xubnihii ka socday dowladda Mareykanka ayaan la hadlin saxaafadda, waxaana markii uu kulanku dhammaaday ay ka dhoofeen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyagoo ku laabtay magaalada Nairobi oo ay markii hore ka yimaadeen.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya ayaa wafdigan ku tilmaamay kii ugu sarreeyay ee Mareykanka ka socda oo soo gaara Muqdisho muddooyinkii ugu dambeeyay, iyadoo la xusuuto in shalay ay Muqdisho yimaadeen wafdi uu horkacayo dajiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michele d'Urso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya