Axad, November 04, 2012 (HOL) — Is-rasaaseyn qaddar daqiiqado ah socotay ayaa xalay ka dhacday saldhigga booliska degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, kaddib markii koox dabley ahi ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen.
Weerarka saldhigga lagu soo qaaday oo dhacay abbaare 8:00 fiidnimo ee xalay ayaan geysan wax khasaare ah, inkasta oo si weyn looga dareemay xaafadaha saldhigga ka agdhow.
Taliyaha sadhigga booliska ee degmada, Qardho Siciid Xasan Ibraahim oo saaka khadka telefoonka HOL ugu waramay ayaa ka warbixiyey sida ay wax u dheceen. Wuxuuna sheegay in saldhigga ay soo weerareen rag doonayey in ay xoog kula baxaan maxaabiis loosoo xiray fal-denbiyeedyo kala duwan.
“Xalay waxaa saldhigga soo weeraray rag doonayey in ay xoog kula baxaan maxaabiis lasoo xiray, ciidankuna wuu iska caabiyey,” ayuu yiri Siciid Xasan.
Taliyaha Booliska Qardho oo hadalkiisa sii wata ayaa tibaaxay in ciidamadu ay si xooggan isaga caabiyeen kooxdii soo weerartay, isagoo xusay in lagu raadj-oogo, sida ugu dhaqsaha bandanna gacanta loogu soo dhigi doono.
Ma ahan markii ugu horeysey ee sidan oo kale loosoo weeraro saldhigga dhexe ee degmada Qardho, haseyeeshee waxaa jirtey dhowr mar oo hore oo si xoog ah maxaabiis loogala baxay.
Waxayna dhacdadani kusoo aadeysaa xilli ay maalmihii u danbeeyey magaalada Qardho ku sugnaayeen taliyaha ciidamada Booliska ee Puntland iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]Puntland, Soomaaliya