4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 4 , 2012
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in dalku uu galayo Xaalad adag haddii ay Dowladda Uganda kala baxdo Ciidamadeeda

Axad, November 04, 2012 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xaalad adag uu dalku galayo haddii ay xukuuumadda Uganda ka dhabeyso go'aankeeda ah inay Soomaaliya kala baxayso ciidamadeeda qaybta ka ah howgalka AMISOM ee lagula dagaalamayo Al-shabaab.

Ra'iisul waasaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) oo Sabtidii shalay wareysi gaar ah siinayay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay inaysan weli dowladiisu helin war cad oo ku saabsan in Uganda ay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya.

"Lama yaabayno fariintaas," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo hadalkiisa ku daray in haddii ay arrintan jirto ay kala hadlayaan ciidamada Midowga Afrika ee dalka ku sugan. Isagoo intaas ku daray in haddii arritan ay sidoo kale kala hadlayaan dowladda Uganda.

Uganda ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya in ka badan 5,000 oo askari oo isugu jira milateri iyo booliis kuwaasoo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo la doonayo inay qayb ka qaataan dib u soo celinta ammaanka iyo kala dambeynta Soomaaliya.

Xukuumadda Kampala ayaa waxay si aad ah uga caroortay baaritaanno ay guddi ka tirsan Qaramada Midoobay ku sameeyeen dagaallada ka socda Congo, kuwaasoo ku eedeeyay dalalka Uganda iyo Ruwanda inay hurinayaan colaadda ka jirta DR Congo ayna taageero siiyaan jabhadda M23 ee ka dagaalanta bariga dalkaas.

Uganda iyo Ruwanda ayaa gaashaanka ku dhuftay eedeymahaas iyagoo ku sheegay kuwo lagu doonayo in lagu halleeyo sumcaddooda; waxayna Uganda ku hanjabtay inay ciidamadeeda nabad ilaalinta ah kala baxayso dalalka gobolka oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa waxay u muuqdaan inay soo dhaweynayaan go'aanka ay Uganda ku sheegtay inay ciidamadeeda ugala baxayso Soomaaliya, taasoo ay ku sheegeen inay u sahlayso inay ku guuleystaan dagaalkooda.

Hanjabaadda dowladda Uganda ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo ciidamada AMISOM ay la wareegeen dhul ballaaran oo ay horay uga talin jirtay Xarakada Al-shabaab, kuwaasoo ay ku jirto magaalada ay awoodda badan ku lahaayeen ee Kismaayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya