4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 4 , 2012
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya lagu wado in Maanta gellinka dambe uu ku dhawaaqo Golaha cusub ee Wasiirrada
Axad, November 04, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa lagu wadaa in gallinka dambe ee maanta oo Axad ah uu ku dhawaaqo golaha cusub ee wasiirrada Soomaaliya, kuwaasoo magacaabistooda ay dhowr jeer sababo farsano dib ugu dhacday.


Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heshay xarunta madaxtooyada Soomaaliya iyo xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa xaqiijinaya in ra'iisul wasaare Cabdi Saacid uu qorsheynayo inuu ku dhawaaqo gole wasiirro oo ka kooban 10 xubnood.

"Gallinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo golaha wasiirrada Soomaaliya," ayuu yiri mas'uul sare oo ku dhow xafiisyada madaxweynaha iyo kan ra'iisul wasaaraha Soomaaliya. Iyadoo golaha wasiirrada ay ku jiraan laba haween ah oo la sheegay inay kala qabanayaan wasaaradaha arrimaha dibadda iyo arrimaha qoyska iyo haweenka.

Magacaabista golaha wasiirrada ayaa dhowr jeer dib u dhac uu yimid iyadoo la sheegay in taas ay sabab u ahayd la tashiyo ay madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaruhu la yeelanayeen beelaha Soomaaliyeed, kuwaasoo ku aaddan sidii ay fikir uga dhiiban lahaayeen magacaabista golaha wasiirrada.

Golaha wasiirrada ee lasoo magacaabayo maanta ayaa waxay noqonayaa kuwii ugu horreeyay oo joogto ah muddo ka badan 20-sano oo ay Soomaaliya ku jirtay colaado iyo dagaallo sokeeye, iyadoo golahan uu shaqeynayo afarta sano ee soo socota.

Ilo wareedyo ku dhow xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa sheegaya in golahan cusub ee wasiirrada ay ku jiraan xubno horay uga soo mid noqday xukuumadihii KMG ahaa, inkastoo ay badankood yihiin kuwo ku cusub siyaasadda Soomaaliya.

Wasiirradan tirada yar ayaa lagu wadaa in baarlamaanka la horgeeyo si codka kalsoonida loogu qaado, iyadoo uu horay u sheegay ra'iisul wasaaruhu in xukuumadda uu soo dhisayo ay noqon doonto mid wax ka bedesha xaaladda uu dalka ku sugan yahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya