4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 3 , 2012
Baarlamaanka Ingiriiska oo la horgeeyay mooshin ka dhan ah Idaacadda Bar Kulan iyo Shirkadda maamusha

Sabti, November 03, 2012(HOL): Baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa waxaa la horgeeyay mooshin ka dhan ah Idaacadda Bar-Kulan iyo Shirkadda maamusho ee Albany kaddib markii lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda dadka u shaqeeya.

 

Mooshinkan ayaa waxaa uu walaac ka muujiyaya xaaladaha iyo xuquuqaadka shaqo ee suxufiyiinta ka shaqeeya Idaacadda Bar Kulan oo ay soo maamulaysay shirkad laga leeyahay dalka Ingiriiska taasoo maalgelin ka heleysa Qarammada Midoobay.

 

Baaq ay ku saxiixan yihiin in ka badan 40 urur oo ay ku bahoobeen ururrada suxufiyiinta iyo ururrada shaqaalaha caalamka kaasoo ay taageerayaan Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Africa ee loo yaqaano ITUC-Africa, Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ, Ururka Shaqaalaha Ingiriiska ee TUC iyo Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU ayaa dhawaan loo gudbiyay ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Augustine Mahiga iyo Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-moon.

 

Baarlamaanka Ingiriiska ayaa waxaa uu dalbanayaa in la joojiyo ku xadgudbidda xuquuqyada shaqo ee ka jira idaacadda Bar-Kulan, in la soo celiyo jawi lagu shaqeyn karo oo xurmeynaya xuquuqyada shaqo iyo kuwa bani’aadannimo, in shirkadda Albany lagu qasbo in ay si toos ah ula gasho wada xaajood dhab ah hoggaanka sharciga ah ee Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ si loo difaaco, loona matalo danaha shaqaalaha idaacadda ee ka howlgala dalalka Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaan kuwii laga raacdeeyay shaqada ama lagu qasabay in ay iscasilaan, iyo in shirkadda Albany ay joojiso weerarka ka dhanka ah ururka NUSOJ, waa sida uu dhigayo mooshinkan oo ay taageerayaan mudanaayn badan oo ka kala tirsan axsaabta kala duwan ee dalka Ingiriiska ka jira.

 

Idaacadda Bar Kulan ayaa noqonayso idaacaddii ugu horreysay ee si rasmi ah dhaliil looga soo jeediyo baarlamaanka Ingiriiska ama baarlamaan uu leeyahay dal reer galbeed ah. 

 

Halkan ka aqriso warka mooshinka oo Af-ingiriis ah 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]