4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 3 , 2012
Ciidanka Booliska Somaliland oo soo bandhigay dambiyaddii sanadkan ka dhacay iyo celcelis ahaan saacadii inta dambi ee dhacay


Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa maanta ka qaybgalay sanad-guuradii 19naad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka Booliska Somaliland.

Munaasibad balaadhan oo loo sameeyey sanad-guurada ciidamada booliska ayaa waxa ka soo qaybgalay madaxweynaha, wasiiro, shirgudoonka Baarlamaanka, wakiilka Itoobiya u jooga Somaliland iyo marti sharaf kale oo badan.

Taliyaha Booliska Gen:Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa madaxweynaha uga waramay  waxa usoo kordhay ciidanka iyo ciidamo dheeraad ah oo ay ku dareen booliska iyo guud ahaan hawlaha ay qabtaan ciidanka amnigu.


Sidoo kale, wasiirka arrimaha guduhu waxa uu bilad uu ugu magac daray biladda sanadka siiyey askari uu sheegay inuu wax badan ka qabtay magaaladda Saylac, kaas oo hawlo uu iskii isku diray oo horumarin ah iyo waddo samayn iskugu jirta ka hirgaliyey magaaladda Saylac, isagoo wadda badda dhexmartana sameeyey, waxaana askarigaasi la yidhaa Saleebaan Cabdilaahi Maxamuud oo uu ku maamuusay askariga sanadka 2012.

Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa isna u mahadnaqay guulaha ay gaadheen ciidanka, isagoo sheegay inuu ku farxay mashaariicda horumarineed ee u hirgalay ciidanka booliska, waxa kale oo uu amaanay ciidanka booliska hawsha habeen iyo dharaarba ay hayaan, isagoo ugu mahadnaqay dadaalkoodda dheeraadka ah.

Madaxweynaha ayaa markii dambe xadhiga ka jaray dhismo loo dhisay ciidanka Birmadka, ciidanka laanta socdaalka iyo dhismo loo dhisayo wasaarada arrimaha gudaha oo uu dhagax dhigay.

Dhinaca kale, waxa ciidanka boolisku soo bandhigeen dambiyaddii sanadkan ka dhacay Somaliland iyo faraqa u dhexeeya sanadkan iyo sanadkii hore 2011.


Ciidanka boolisku waxa uu sheegay in 18,989 dambi dalka ka dhacay, halka sanadkii hora 2011 uu ka dhacay 14,506 dambi, dilalka ka dhacay dalka 2012 waxay noqonayaan 79 dil,  gacan ku dhiiglayaasha la qabtay waa 70 qof, inta baxsatay waa sagaal, sanadkii horana waxa ka dhacay dalka 70 dil.

  waxa kale oo ka dhacay 2,875 shil baabuur ah sanadkii 2012, waxaana ku dhintay 150 qof, 1,440 way ku dhaawacmeen, 1,277 gaadiid ahina way ku khasaareen, halka 393 xoolo ahina ay ku dhinteen shilalkaasi, waxaanu sheegay in sanadkii hore 2011 ay dalka ka dhaceen 2,980 shil, 105 ayey is dhimeen xaga shilalka.

Waxa kale oo sanadkan 2012 dalka ka dhacay 131 kufsi, tiradda kufsiga lagu eedeeyey 162, tirada eedaysanayaasha maxkamadda loo gudbiyey waxay ahayd 150 qof, inta baxsaday 12 qof, isbarbar dhiga sanadkan iyo sanadkii hore waxay noqonaysaa sanadkii hore 2012 waxa dalka ka dhacay , 176 kufsi,waxaana la mooda in sanadkan hoos u dhacay kufsiga marka loo eego sanadkii hore.


Tiradda caruurta la tuuray guud ahaan waa 15 caruur ah, inta dhimatay waa afar caruur ah,  inta nool ee la hayaa waa 11 caruur ah, halka sanadkii hore 2012 ay caruurta la tuuray ka ahayd toban qof, .

Tiradda Dadka is dal-dalay sanadkan ayaa lagu sheegay afar qof,  inta dhimatay waa saddex qof, qofna waa la badbaadiyey. Iska hor-imaadyada dalka ka dhacay ama mudaharaadyada sanadkan waa laba, waxaana ku dhintay shan qof, waxaana ku dhaawacmay  labaatan qof.

Mukhaadaraadka la qabtay sanadkan waa labaatan kun oo khamri ah ayaa la qabtay, waxaan lagu qabtay 16 eedeysane iyo shan baabuur oo lagu siday, Xashiishadda hal killo, iyo Rubuc iyo laba xidhmo ayey qabteen, xaga lacagaha been abuurka ah 27,000 shilin somaliland ah oo been abuur ah, lacagta doollarkana waxa lagu qabtay 10,250,000 dollar been abuur ah, waxaana lagu qabtay 14 qof oo eedeysane oo maxkamadda la geeyey.

Guud ahaan waxa ciidanku sheegeen in dambiyada dalka ka dhacay ay u badan yihiin dilka, isku dayga dilka, faro saarka, kufsiga iyo dambiyada hantidda ka dhanka ah sida tuugnimada, khiyaamadda  iyo budhcadnimadda.


Celcelis ahaan dambiyada guud ee dalka ka dhacay 18,989 oo dambi sanadkan, lixdii bilood waxa ka dhacay 9,494, saddexdii bilood waxa ka dhacay 4,747 dambi, bishii 1,582 dambi, todobaadkii waxa dhacay 3,76 dambi, maalintii 54 dambi ayaa dalka ka dhacay, saacadii laba kiis ayaa soo galay wadanka, minitkii hal kiis baa na soo gaalla.

Ciidanka booliska ayaa sanad walba maalintan oo kale soo bandhiga dambiyadii dalka ka dhacay iyo sanad walba inta dambi ee dalka ka dhacay.






Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland