4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 3 , 2012
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta yeelanaya kulan looga hadlayo Xeer hoosaadyada Baarlamaanka
Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlaamanka Soomaaliya ayaa waxay maanta oo Sabti ah ayaa waxay xaruntooda Muqdisho ku yeelanayaan kulan looga hadlayo xeer hoosaadka baarlamaanku uu ku shaqeynayo afarta sano ee soo socota.

Mid ka mid ah xoghayeyaasha baarlamaanka ayaa saxaafadda u sheegay in kulanka maanta diiradda lagu saari doono laba nuqul oo xeer hoosaadka baarlamaanka ah, kuwaasoo ay soo kala diyaariyeen laba guddi oo horay loogu saaray.

"Ajandaha maanta laga hadlayo waa xeerar hoosaadyada baarlamaanka uu ku shaqeyn doono sannadaha soo socda, waana laba xeer oo mid ka mid ah horay loogu qaybiyay xildhibaannada," ayuu yiri mudane ka tirsan baarlamaanka oo la hadlay HOL.

Mudanahan ayaa wuxuu sheegay in qodobbada ugu adag ee doodda badan dhalin doona ay ka mid yihiin in xildhlibaanku uu xilka ku wayn karo haddii uu maqnaado laba kulan oo uu baarlamaanku yeelanayo, taasoo uu ku sheegay inay tahay mid aad loola yaabo.

Xeerarkan ayuu sheegay xildhibaanku in midkood uu yahay 54 qodob, halka midka kalena uu yahay 83 qodob, taasoo uu sheegay inay dood badan dhalin karo sidii la isku waafajin lahaa labadan xeer ama midkood loo qaadan lahaa.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu horay u ansixiyay xeer miisaaniyadda ay ku shaqeynayso dowladda saddexda bilood ee soo socota iyo ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo laga sugayo inuu soo dhiso xukuumaddiisa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya