4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 29, 2012
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo sheegay in Ciidamadooda ay sii joogi doonaan Soomaaliya inta ay Awoodda uga Wareejinayaan AMISOM
Khamiis, November 29, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa sheegay Arbacadii shalay in ciidamada Itoobiya ay sii joogi doonaan Soomaaliya inta ay goobaha ay hayaan kaga wareejinayaan ciidamada Midowga Afrika ka socda ee AMISOM.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxay kaga sugan yihiin Soomaaliya deegaanno ku yaalla gobollada Hiiraan, Bay, Bakool iyo Gedo, iyagoo deegaannadaas ka saaray xoogaggii Al-shabaab ee muddada ka talinayay.

"Waxaanu sugaynaa inta ciidamada AMISOM aan kaga wareejinayno goobaha ay ku sugan yihiin ciidamadeenna, inta ay taasi ka suurogalaysana waan kusii sugnaan doonnaa goobahaas," ayuu wariyeyaasha u sheegay Hailemariam oo shir jaraa'id ay wada-qabteen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Ma jiro xilli go'an oo uu sheegay ra'iisul wasaaraha Itoobiya in ciidamadiisa uu kaga saarayo Soomaaliya, isagoo sheegay in ciidamadiisa ay gacan siinayaan dowladda Soomaaliya si dib loogu soo celin lahaa ammaanka guud ee dalka dariska nala ah.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya oo isaguna shirka jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay in Al-shabaab lagu jabiyay deegaanno badan oo Soomaaliya ka tirsan, ayna hadda ku harsan yihiin deegaanno yar, wuxuuna dagaalyahannada ajnabiga ah ee ka barbar-dagaalamaya Al-shabaab ku boorriyay inay isaga baxaan dalka.

"Ma jiro wax xiriir ah oo naga dhexeeya innaga iyo ajaanibta ka barbar dagaalamaya Al-shabaab," ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaas ku daray: "Waxaa u furan oo keliya inay dalka isaga baxaan."

Ciidamada Midowga Afrika oo tiradoodu gaarayso 17,000 oo askari ayaa waxay isku dayayaan inay isku xiraan deegaannada ay Al-shabaab ka qabsadeen iyo kuwa ay Itoobiya gacanta ku hayso ee Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliy ku yaalla.

Itoobiya ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya qayb kama ahan howgalka AMISOM ee Soomaaliya, balse waxay sheegeen inay gacan ka geysanayaan sidii Al-shabaab oo ah awood dagaal kula jirta dowladda iyo AMISOM looga saari lahaa dalka oo dhan.

Booqashada madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh uu ku tagay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu dalkaas ku tago tan iyo markii xilka madaxweynimo ee Soomaaliya loo doortay.

Dhanka kale, booqashadan waxay noqnaysaa tii ugu saddexaad oo uu ku tago dalka Afrikaan ah tan iyo markii xilka madaxweynimo loo doortay, iyadoo la xusuusto inuu ra'iisul wasaaraha Itoobiya ahaa mas'uulkii ka socday Afrika ee kasoo qaybgalay caleemo-saarkii madaxweyne Xasan Sheekh.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya