4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 28, 2012
Madaxweynaha Somalia oo sheegay in sababta Jabuuti ay u booqdeen ay tahay inay tusaale ka dhigaan sida uu dalkaas u shaqenayo
Arbaco, November 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay safar ku joogay dalka Jabuuti ayaa sheegay in safarka ay ku tageen Jabuuti uu isugu jiro laba qodob oo kala ah: maadcelin iyo inay tusaale ka dhigtaan sida dalkaas yar uu u shaqeynayo.

Madaxweynaha oo la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay in sababta ay u booqdeen Jabuuti ay ugu horreyso si ay u arkaan sida dalkaas uu u shaqeeyo, si ay tusaale uga dhigtaan, wuxuuna sababta labaad ku sheegay mahadcelin ay shacabka iyo xukuumadda Jabuuti u sidaan.

"Waxaan nimid dal shaqeynaya oo maamulkiisa dowladnimo uu dhameystiran yahay  waxna qabanaya, marka waxaan ka barannay oo aan argnay howsha na sugaysa ee la doonayo inaan Soomaaliya ka qabanno sida ay u taallo," ayuu yiri Xasan Sheekh oo sheegay inay booqdeen dekedda iyo xarunta isgaarsiinta ayna arkeen sida ay u shaqeynayaan.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in madaxda iyo shacabka dalka Jabuuti ay uga mahadceliyeen dadaalkii dheeraa ee ay ku bixiyeen sidii ay Soomaaliya nabad u noqon lahayd, isagoo sheegay in Jabuuti ay dadaallo badan sameysay si ay u caawiso Soomaalida.

"Waayo aragnimo ayay noo tahay inaan howlaha ka socda Jabuuti ka faa'iideysano, waayo innagu waan ka xeeb dheernahay. Waxyaabaha kale aan aragnay waxaa ka mid ah habka ay u shaqeynayso isgaarsiinta Jabuuti, gaar ahaan internet-ka badda dhexdiisa la dhigo," ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Mar uu ka hadlayay waxqabashada dowladda cusub ee Soomaaliya oo noqonaysa tii ugu horreysay muddo labaatan sano kaddib ah oo ka dhalata Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dowladdiisa ay ku taagan tahay lix qodob oo uu sheegay inay wax kaga qaban doonaan xaaladda ay Soomaaliya ku jirto.

"Tiirarka aan saldhigga uga dhignay dowladda waxay tilmaamayaan meelaha in laga shaqeeyo ama wax laga qabto mudan, kuwaas ayaana ka billaabaynaa soo celinta ammaanka iyo deggenaashaha Soomaaliya, waana aamisannahay inaan ku guuleysan doonno," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda booqan doona Itoobiya iyo Kenya, isagoo madaxda dalkaas kala hadli doono iskaashiga kala dhexeeya Somalia dalalkaas oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya