4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 28, 2012
Qof Hubeysan oo Dad Rayid ah Xalay ku Dillay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Arbaco, November 28, 2012 (HOL) — Qof ku hubeysnaa qoriga AK-47 ayaa fiidnimadii xalay ku toogtay magaalada Baladweyne sadax ruux oo rayid ah, kuwaasoo ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan magaalada.

Dadka la dillay ayaa dhamaantood la sheegay in ay ka tirsan yihiin firqada Takfiirka,, mana jirto cid ilaa iyo hadda la og-yahay in ay dilkaasi ka danbeeyso.

Ciidamada maamulka gobollka Hiiraan ayaa markiiba tagay goobta lagu toogtay dadka rayidka ah, waxaana ay sheegeen saraakiisha maamulka in ay wadaan baaritaan arintaa la xiriira.

Dilka xalay ka dhacay magaalada Baladweyne ayaa ku soo beegmaya xili duhurnimadii isla maalintii shalay rag bastoolado ku hubeysnaa ay ku toogteen bartamaha magaalada guddoomiyihii gollaha odayaasha dhaqanka gobollka Hiiraan oo maalin ka hor uun loo doortay xilkaa, inkastoo ciidamadu ay gacanta ku dhigeen shaqsigii dillay nabadoonka.

Dhacdooyinkan is xig-xigay ee ugu danbeeyay ayaa ku soo beegmaya xilli ammaanka magaalada Baladweyne ay si wada jir ah u sugayaan ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa midowgga Africa (AMISOM) ee ka socda dalka Jabuuti.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
Baladweyne, Soomaaliya.