4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 27, 2012
Ciidamada Ammaanka oo ku guuleysatay inay qaadaan Isbaarooyin yaallay Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir
Talaado, November 27, 2012 (HOL) — Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku guuleysatay inay toddoba isbaaro ka qaadaan degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, iyadoo sidoo kalena ay ciidamadu qabteen kooxihii isbaarooyinka ay u yaalleen degmooyinkaas iyo dabley kale.

Howgalkan oo ay uu hoggaaminayay taliyaha nabadsugidda gobolka Banaadir Col. Khaliif Axmed Ereg ayaa waxaa lagu qaaday isbaarooyin yaallay degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan oo dhinaca waqooyi ee Muqdisho ku yaalla.

"Waxaan ku guuleysannay inaan qaadno toddoba isbaaro, waxaana sidoo kale ku qabanay howgalka kooxihii ay isbaarooyinkaas u yaalleen iyo kooxo kale oo hub ku sitay magaalada, kuwaasoo ay ku jiraan xubno Al-shabaab ka tirsan," ayuu yiri Col. Ereg oo saxaafadda la hadlay howgalka kaddib.

Howgalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu amar ku bixiyay inaysan jiri karin isbaaro lacago lagu qaado oo dhextaalla magaalada, isagoo sheegay in sidoo kale la joojiyay lacagihii ay qaadi jireen maamulka gobolka iyo wasaaradda maaliyadda.

"Dad kala duwan ayaa gacan nagu siiyay inaan isbaarooyinka qaadno, sidoo kalena aan helno hub ay Al-shabaab qabsadeen, waxaana shacabka ku boorrinaynaa inay sii wadaan gacanta ay siinayaan ciidamada ammaanka," ayuu Ereg mar kale yiri.

Sarkaalkan haysta nabadsugidda gobolka Banaadir ayaa sheegay in howgalladan ay yihiin kuwo magaalada looga sifeynayo isbaarooyinka iyo in gaadiidka lacago sharci-darro ah laga qaado.

Warar hoose ayaa sheegaya in ciidamadu ay maalinta berri ah u socdaan degmada Wadajir halkaasoo ay yaallaan isbaarooyin fara badan, iyadoo wararka laga helayo degmadaasna ay sheegayaan in ciidamada jooga isbaarooyinka la xoojiyay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya