4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 27, 2012
Wefdi uu Hoggaaminayay Guddoomiye ku xigeenka XAQSOOR oo xalay lagu afduubay Gobolka Sool oo dib xorriyadiisii u helay
Talaado, November 27, 2012 (HOL) — Wefti u hogaaminay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee urur siyaasadeedka XAQSOOR oo xalay maleeshiyo ka tirsan Khaatumo State ku afduubteen meel u dhow degmada xudun ee gobolka Sool, ayaa saacado ka dib xoriyadoodii dib loogu soo celiyey.

Masuuliyiintan oo ka soo kicitimayey shalay magaaladda Ceerigaabo oo hawlaha doorashooyinka  u tagayey degmada Xudun ee gobolak Sool, ayaa la sheegay inay anbadeen oo ay wadadii ka leexdeen, isla markaana ay u galeen deegaanka ay ka taliyaan khaatumo state, taasina ay keentay inay maleeshiyo ka tirsan Khaatumo afduubtaan,balse markii masuuliyiinta Khaatumo is arkeen markiiba la siidaayey masuuliyiintii ururka XAQSOOR.

Ilaa hadda ma kala cadda sababta dhabta ah ee loo siidaayey, waxaase wararku sheegeen in markii ay masuuliyiinta xaqsoor ka tirsan iyo masuuliyiinta Khaatumo wada hadleen la iska siidaayey, sidaasna ay xoriyadoodii ku heleen, waxaanay saaka subaxii yimaadeen magaaladda Laascaanood oo hawlihii doorashooyinka ee ay u socdeen ka wadaan.

Weftigan uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka 1aad ee ururka XAQSOOR Cali Maxamuud Axmed(Cali Sandule) ayaa watay laba gaadhi, kuwaas oo ay la socdeen masuuliyiin ka tirsan ururka XAQSOOR.

Masuuliyiintan la afduubtay ayaa wax dhibaato ah loo geysan, isla markaana markiiba la siidaayey iyagoo caafimaad qaba,  imikana ay ku sugan yihiin magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool.

Waa markii ugu horaysay ee masuuliyiin ka tirsan ururada siyaasada oo lagu afduubo meelo ka tirsan Somaliland.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland