4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2012
Odoyaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo doortay guddoomiye iyo waddooyin xirnaa oo dib loo furay (SAWIRRO)


Isniin, November, 26, 2012 (HOL) – Munaasabad siweyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay magaalada Baladweyne ayeey afar sano kadib gollaha odayaasha dhaqanka gobollka Hiiraan waxaa ay maanta gudoomiye cusub u doorteen Shiikh Max’ed Shiikh Xusseen Maryacade.

Munasabadda oo ay goob joog ka ahaayeen 62 xubnood ee gollaha odayaasha dhaqanka gobollka, waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka Midowgga Africa.

Guddoomiyaha gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo munaasabadda ka hadllay ayaa ugu hanbalyeeyay odayaasha dhaqanka hogaanka cusub oo ay sameysteen, isaga oo sheegay in maamulka gobollka Hiiraan uu si buuxda ula shaqeynayo gollaha odayaasha dhaqanka.

‘’Odayaasha waa saldhiga nabad-galyada, waxaan rabnaa maamulka, odayaasha iyo saraakiisha AMISOM oo isku duuban in aynu ka wada shaqeyno sugidda amniga magaalada," ayuu yiri guddoomiyaha gobollka Hiiraan.

Gollaha odayaasha dhaqanka gobollka Hiiraan afartii sano ee la soo dhaafay si toos ah uma aysan shaqeyn sababtoo ah waxaa mamnuucay maamulkii Al-shabaab ee ka arimin jiray magaalada, laakiin hadda waxaa muuqata in mar kale uu doorkoodii dib u soo noolaanayo.

Col Cismaan Dubad oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ka howlgala magaalada Baladweyne ayaa sheegay in dhinciisa uu siweyn ugu faraxsan yahay ka qeyb-galka munaasabad ay odayaasha dhaqanka ku sameysanayaan hogaan mid ah, waxaana uu intaa raaaciyay in AMISOM mar walba diyaar u tahay wada shaqeynta odayaasha.

"Dhinac kasta lagama maarmo odayaasha dhaqanka, si toos ah ayaan wada shaqeyn buuxda u yeelan doonnaa, waana arin lagu farxo in gollaha odayaasha dhaqanka oo dooranaya guddoomiye aan goob joog ka noqono, waxaan iska kaashan doonnaa dib u soo celinta nabad-galyada,’’ ayuu yiri Col Cismaan Dubad.

Shiikh Max’ed Shiikh Xusseen Maryacade oo loo doortay guddoomiyaha golaha odayaasha dhaqanka oo ka hadllay munaasabadda ayaa u mahad celiyay dhamaan odayaasha dhaqanka gobolka, isaga oo sheegay in si daacad ah uu u gudan doono waajibaadka la saaray.

Dhinaca kale, mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan oo uu horkacayo guddoomiyaha gobollka ayaa maanta ka qaaday bartamaha magaalada Jidgooyo dhowr ah oo ay horay u dhigeen ciidamada dowladda Itoobiya waqtigii ay magaalada soo galeen, si aysan gadiidka u isticmaalin agagaarka xarumaha ay daganaayeen.

Guddoomiyaha gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo wehliyaan saraakiisha AMISOM ayaa la arkayay isaga oo gacatiisa ku qaadaya Taayaro iyo wax yaabo kale oo wadada ku go’naa, wuxuuna sheegay in wixii hadda ka danbeeya gadiidka iyo dadweyaha si caadi u isticmaali karaan wadada dheer ee dhexmarta bartamaha magaalada Baladweyne.

Ugu danbeytii doorashada guddoomiyaha odayaasha dhaqanka iyo howlgalkan lagu bur buriyay Jidgooyooyinkii yaalay bartamaha magaalada ayaa ku soo beegmaya xili saraakiisha maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa AMISOM ay siweyn ugu howlanaayeen maalmihii ugu danbeeyay xaqiijinta amaanka magaalada Baladweyne.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
Baladweyne, Soomaaliya