4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2012
Madaxweynaha Somalia oo Markii ugu Horreysay safar ugu Ambabaxay Dalal ay ka mid yihiin Itoobiya iyo Jabuuti
Isniin, November 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkii ugu horreeyay maanta ugu ambabaxay dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya oo daris la ah Soomaaliya, waxaana safarkiisa ku wehliya xubno ka tirsan dowladda.

Dalalka uu madaxweynuhu safarka u aaday ayaa waxaa Soomaaliya ka joogo ciidammo qayb ka ah howgalka AMISOM iyo kuwo aan qayb ahayn, isagoo madaxda dalalka kala hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha oo safarkiisa uu qaadan doono muddo hal toddobaad ah ayaa wuxuu ku hormari doonaan dalka Jabuuti, isagoo halkaas kula kulmi doono madaxda dalkaas, sidoo kalena wuxuu booqan doonaa dalka Itoobiya, isagoo ugu dambeynna tegi doona dalka Kenya.

Safarkan ayaa noqonaya kii labaad oo madaxweynaha Soomaaliya uu dalka uga baxo tan iyo markii xilkan loo doortay bishii September ee sannadkan, isagoo safarkii midkan ka horreeyay ku tagay dalka Uganda.

Dowladda Soomaaliya oo noqonaysa tii ugu horreysay oo rasmi ah oo Soomaaliya ay yeelato tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ayaan isku dayaysa inay xiriir wanaagsan la sameyso dalalka caalamka, ayna dib u soo celiso ammaankii ka jiray Soomaaliya.

Madaxda Soomaalida ayaa inta badan lagu xantaa inay tagaan dalka Itoobiya markii ay xukunka qabtaan, iyadoo aan la ogeyn waxa ay booqashadan kaga duwan tahay kuwii ay ku tegi jireen dalkaas madaxdii hore ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya