4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 25, 2012
Madaxweynaha oo Ciidamada Qalabka Sida uga Digay Dhibaateynta Shacabka

Axad, November, 25, 2012 (HOL)- Kulan ay maanta isugu yimaadeen madaxweeynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud, taliyeyaasha ciidamada qalabka sida iyo saraakisha ayaa digniin culus loogu diray ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxa goobjoog ka ahaa ra’isul wasaaraha dowladda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), wasiirka gaashaandhigga mudane C/xakiim Fiqi iyo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Mudane C/xakiim Xuseen Guuleed.

Madaxweeynaha ayaa ugu horeyn u tacsiyeeyay xubnaha ciidamada qalabka sida ee geeriyooday,isagoona mahadcelin ujeediyay ciidamada qalabka sida oo uu ku amaanay in ay habeen iyo maalin u taaganyihiin difaaca dalka iyo dadka.

Madaxweeynaha ayaa ciidamada qalabka sida kula dardaarmay in la dhowro xuquuqda dadka rayidka ah, wuxuuna madaxweeynuhu yiri, “Dowladnimadu waa kalsooni, wanaag iyo sharaf. Askariga dadka halaga ilaaliyo hana lagu ilaaliyo, waxay taariikhdu xustay in qolada ay shacabka la jiraan ay ku guuleystaan dagaalka.”

Madaxweeynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin falalka dilka, kufsiga iyo isbaaro, wuxuuna xusay in ciddii waxaasi ku kacdo laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

“Qofkii qof dilaa waa dil, kufsigana waa dil, shareecada islaamka ayaa saas qabto, qaanuunkana waa dhaqan gelinaynaa meeshaas ayay naga joogtaa,” ayuu yiri madaxweeynaha oo khudbad ka aqrinayay kulanka.

Gabagabadii kulanka ayaa waxa ka hadlay qaar katirsan madaxda ciidamada qalabka sida, waxayna ballan qaadeen in ay la dagaalami doonaan shaqsi walba oo ku xadgudba sharafta qaranka, shacabka iyo weliba amniga dalka.

 Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya