4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 25, 2012
Taliyaha Ciidamada AMISOM oo Maanta Booqday Magaalada Baladweyne

Axad, November, 25, 2012 (HOL) – Taliyaha ugu sareeya ciidamada midowgga Africa AMISOM Andrew Gutti iyo saraakiil kale ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

Wafdiga oo ay soo dhaweeyeen kulamana la qaatay saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa iyo mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka gobollka ayaa u tagay magaalada qiimeynta xaalada nabad-galyo iyo waliba howlgalada ay halkaa ka wadaa ciidamada qeybta ka ah AMISOM.

Taliyaha ugu sareeya ciidamada midowgga Africa Andrew Gutti oo ka hadllay kulanka ayaa sheegay in magaalada Baladweyne qeyb ka tahay meelaha la qorsheeyay in ay ka howlgalaan ciidamada AMISOM isaga oo sheegay in hadda soo dhameystirmaan ciidamada Jabuuti loogu talagalay in ka howlgalaan gobollka Hiiraan.

Sidoo kale taliyaha ayaa kula dardaarmay dhinacyadii uu la kulamay in ay yeeshaan iskaashi iyo wada shaqeyn buuxda, si markaa looga dardargaliyo howlaha lagu sugayo amniga ee ka socda guud ahaanba dalka.

Socdaalka uu maanta ku tagay magaalada Baladweyne taliyaha ugu sareeya ciidamada AMISOM ayeeysan ka sii warqabin warbaahinta oo markii danbe uun lagu wargaliyay.

Maalmihi ugu danbeeyayba waxaa magaalada Baladweyne ka jira dhaq dhaqaaqyo ay sameynayeen ciidamada AMISOM oo maamulka gobollka Hiiraan ka gacan siinaya howlgalada ka dhan-ka ah Al-shabaab.

Sawirada: AMISOM

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya.