4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 25, 2012
Ciidanka Amniga Somaliland oo xabsiga u taxaabay Sheikh Maxamuud Geelle oo hore ugu Dhawaaqay urur Diimeed

Axad, November, 25, 2012 (HOL)- Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle oo wakhtigii ururada siyaasadda la furay ku dhawaaqay urur diimeed Xisbullah layidhaa ayaa shalay ciidanka amniga ee magaaldda Hargeysa xabsiga u taxaabeen.

Taliyaha Ciidanka Booliska oo warbaahinta la hadlayey, ayaa  sheegay inuu wadaadkaasi ku jiray arrimo khal-khal galin ah, isla markaana hadalo aan munaasib ku ahayn bulshadda u gudbiyey, waxaanu sheegay in sharciga la horgaynayo,inkastoo taliyuhu si cad u sheegin waxa lagu xidhay,balse warar kale ayaa sheegaya in sababta loo xidhay tahay inuu wadaadku  xaaraan ku tilmaamay doorashooyinka golaha deegaanka ee ka dhacaya Somaliland.

 Wadaadkan ayaa inta badan loo xidhaa hadalo uu ka jeediyo masaajidada kala duwan oo uu ku  naqdiyo nidaamka Somaliland isku maamusho, waxaana xukuumadihii kala dambeeyey ee somalialnd soo maray ay xidheen wakhtiyo kala duwan.

Gudoomiyaha urur diimeedka XISBULLAH Sheekh Geelle ayaa madarasado badan ku leh xaafadaha kala duwan ee magaaladda Hargeysa, waxaanu inta badan bilaash ugu dhigaa Diinta dadka waaweyn ee hora nasiibka u helin inay diinta bartaan, haseyeeshee marka uu muddo  joogaba waxa uu aad u dhaliilaa ama wax ka sheegaa qaabka dawladda Somaliland isku maamusho oo uu ku tilmaamo mid aan ku dhisnayn shareecada islaamka, isla markaana uu sheegay inuu u halgamayo in dalka lagu soo rogo shareecadda Islaamka kana hadheen ilaa inta shareecadda islaamka la isku maamulayo.

Sheikh Geelle ayaa ah wadaad aad u dhiiran oo hadalo ad-adag oo uu ka naqdiyayo siyaasadda Somaliland ka jeediya masaajidada iyo goobaha la iskugu yimaado, kaas oo uu xaaraan ku tilmaamo xukuumadda Somaliland iyo xisbiyada siyaasaddda.

Sheekh Maxamed Geelle ayaa isagu saldhiga iskeenay ka dib markii ay gurigtiisa Ciidanka Amnigu ka soo waayeen, waxaana markii loo sheegay inuu ciidanku doonayo si toos ah ugu tagay ciidanka sidaasna lagu xidhay.

Sheikh  Maxamuud Geelle oo magaaladda Hargeysa si weyn looga yaqaan ayaa marar badan nidaamka Somaliland  ku shaqayso ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn shareecadda islaamka, waxaanu arrimahaasi ku mutaystay inuu noqdo wadaadka loogu xidhista badan yahay, waxaana sanadkan horaantiisa lagu xidhay magaaladda Hargeysa ka dib markii uu ku dhawaaqay urur diimeed la yidhaa Xisbullah, maadaama dastuurka Somaliland ogolayn in la samaysto urur siyaasadeed diimeed ama mid qabyaaladeed iyo mid gobolaysi ku dhisan toona, haseyeeshee wadaadkan ayaa marka muddo xabsiga lagu hayo la iska siidaayaa.

 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland