4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 25, 2012
Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay in lasoo dhameystiray Qorshihii lagula Wareegi lahaa Qeybaha kale ee Gobolka

Axad, November, 25, 2012 (HOL) --  Mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan ayaa u sheegay warbaahinta in ay soo dhameystireen qorshe la doonayo in lagula wareego qeybaha kale ee gobollka oo ay hadda gacanta ku hayaan xoogaga Al-shabaab.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha nabad-galyada maamulka gobollka  Axmed Cismaan C/dalla Inji oo la hadllay HOL waxaa uu sheegay in maamulka gobollka Hiiraan oo kaashanaya ciidamada AMISOM qorshuhu yahay in ay la wareegaan gacan ku heynta degmooyinka iyo deegaannada gobollada ee wali ku harsan sida uu sheegay gacanta Al-shabaab.

‘’Waan soo dhameynay qorshaas, waxaana naga go’an in maalmaha dhaw guud ahaan gobollka ku soo celino gacanta maamulka, arintaa waxaan iska kaashaneynaa ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa ee AMISOM ee  ku sugan magaalada Baladweyne.

Sidoo kale Axmed Inji waxaa uu sheegay in dhawaan tababar loogu soo xiray magaalada saraakiil iyo ciidamo ka tirsan maamulka, kuwaasoo hadda diyaar u ah ayuu yiri in ay ku dhaqaaqaan howlgalka ka dhan-ka ah Al-shabaab.

Hadalka mas’uulka ka tirsan maamulka gobollka ayaa imanaya xili maalmihii aynu doo dhaafnay kulamo is daba jooga ah magaalada Baladweyne ku lahaayeen mas’uuliyiinta gobollka oo uu horkacayo guddoomiyaha C/fitaax Xassan Afrax, saraakiisha ciidamada Jabuuti, iyo odayaasha dhaqanka oo looga hadllayay sidii horay loogu sii dhaqaajin lahaa howlgalka ka dhan-ka ah xoogagga Al-shabaab ee wali maamula qeybo ka mid ah gobollka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected] 
Baladweyne, Soomaaliya