4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 25, 2012
Wasiirka Gaashaaandhigga Somalia oo sheegtay in Dowladdu aysan awood u lahayn inay la dagaalanto Al-shabaab

Axad, November 25, 2012 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in cunno-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay caqabad ku tahay horumar laga gaaro dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Mudane Fiqi ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumaddu aysan lahayn awood ay kula dagaalanto Al-shabaab, isagoo sheegay inay Qaramada Midoobay ka dalbanayaan in cunno-qabteynta hubka laga qaado Soomaaliya si ay u suuro-gasho in dalka oo dhan laga saaro kooxda ay dagaalka kula jiraan.

"Ma lihin awood aan kula dagaalanno Al-shabaab. Tanina waa arrinta dhabta ah ee la doonayo in beesha caalamku ogaato," ayuu yiri Fiqi, isagoo intaas ku daray inay ka go'an tahay ka xukuumad ahaan inay dalka oo dhan nabad kusoo rogaan inta ay howsha hayaan.

Xarakada Al-shabaab oo dowladda iyo AMISOM dagaal kula jirta ayaa sannadkan horraantiisii sheegtay inay ku biirtay shabakadda Al-Qaacida, waxayna weli gacanta ku hayaan dhul ballaaran oo ku yaalla Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Wasiirka gaashanaadhiggu wuxuu sheegay inaan xal loo heli karin dhibaatooyinka ka taagan gudaha Soomaaliya haddii aan cunno-qabteynta hubka la qaadin. "Waxaanu doonaynaa inaan ka hortagno qorshaha kooxaha argagaxisada ah ay ku doonayaan inay dalkan uga dhigtaan saldhig."

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay inay doonayaan inay xoojiyaan ciidamada qalabka sida ee dowladda si ay awood ugu helaan inay iska difaacaan weerarrada kaga imaanaya Al-shabaab oo gacansaar dhow la leh Al-Qaacida.

Cunno-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo rogay sannadkii 1992 kaddib markii ay dalka ka dhaceen dagaallo sokeeye oo dhiig badan ku daatay, iyadoo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku qaybsan yihiin in cunnoqabteynta hubka laga qaado Soomaaliya.

Dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo rasmi ah tan iyo markii xukunka laga tuuray dowladdii dhexe sannadkii 1991-kii, waxaana mas'uuliyiinta dowladdan ay isku dayayaan in cunno-qabteynta hubka laga qaado Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya