4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 23, 2012
Ururka SYL II oo Tababar ku saabsan isku-xirka Bulshada u soo gabgabeeyay Ururada Bulshada ee Gobolka Shabeelada Hoose

Jimco, November 23, 2012 (HOL) — Ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL II ayaa Khamiistii shalay xaruntiisa Muqdisho ugu soo gabgabeeyay tababar urrurada bulshada rayidka ee ka dhisan gobolka Shabeelada Hoose, tababarkan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa looga hadlayay xalinta khilaafaadka iyo dib u dhiska nabadda, iyadoo sidoo kale urrurada lagu baray sidii xiriir ula sameyn lahaayeen bulshadooda si ay ugu qayb-qaatan isku-xirka bulshada iyo wacyi-galinta dhallinyarada

Furitaankii siminnaarkaa ayaa waxaa ka hadlay xildhibaan, C/llaahi Cumar Abshir oo ah xildhibaan kasoo jeeda gobolka Shabeellada Hoose isagoo uga mahadceliyay SYL II howsha wanaagsan ee ay bulshada u hayaan; sidoo kale wuxuu ka codsaday in ururku ka shaqeeyo sidii ay u abuuri lahayd isfahan dhexmara dadka deegaanka iyo dowladda dhexe; waxaa sidoo kale hadalo kooban oo gubaabo ka jeediyay Maryan Macalin Isaaq Maxamed oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Urruradii ka qayb-galay tababarka ayaa aad u soo dhaweeyay iyagoo sheegay in tababarkan uu abuurayo jawi cusub iyo wada-shaqeyn dhex marta urrurada bulshada ee gobolka Shabeellada Hoose uuna muhiim u yahay in iskaashi uu dhexmaro ururada bulshada rayidka iyo shacabka, iyadoo la magacaabay guddi howleed ka shaqayn doona isku-xirka bulshada qeybaheeda kala duwan iyo dowladda.

Ugu dambeeyn, xirtaankii tababarka ayaa waxaa ka hadlaya Cabdullahi Axmed oo ah masuul ka tirsan ururka SYL II isagoo kula dardaarmay urrurada bulshada inay muujiyaan dadaal dheeri ah iyo inay kasoo dhalaalaan doorkooda si ay uga qayb-qaataan mideynta bulshada, wacyi galinta dhalinyarada iyo nabadeynta gobolka Shabeelada Hoose.

Ma aha marki ugu horeeysay ee ururka dhalinyarada soomaaliyeed ee SYLII uu u qabto siminaar noocaan oo kale ah qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolada dalkeena iyadoo intaas ay u sii dheer tahay SYL-II xirfad iyo shaqo u abuurista dhalinyarada.

 

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya