4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 23, 2012
Saddex qof oo loo qabtay Qaraxii Toddobaadkan ka dhacay Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Jimco, November 23, 2012 (HOL) —Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan sedex qof oo looga shakisanyahay in ay ka danbeeyeen qaraxii lala eegtay gaariga rakaabka ah ee sababay dhimashada ku dhowaad 10 qof iyo dhaawaca tobaneeyo kale.

Taliyaha ciidamada Booliska magaalada Nairobi Moses Ombati ayaa sheegay in ay gacanta kuhayaa sedex qof oo la tuhunsanyahay in ay ka danbeeyeen qaraxii kadhacay xaafadda ay Soomaalidu degto ee Islii.

Booliska ayaa sheegay in sedexdani nin ay u dhasheen dalka Kenya, islamarkaasina loo soodiray in ay qaraxyo waaweyn ka fuliyaan gudahadalka Kenya, iyagoona intaa ku daray in ay socdaan baaritaanno la xiriira dambiyada loo heysto.

Mr. Ombati ayaa sheegay in xog ay ku heleen in kooxo argagixiso ah ay qorsheynayaan weerarro ay ka geeystaan gudaha dalka Kenya, wuxuuna ugu baaqay shacabka Kenyanka ah in ay muujiyaan taxadar dheeri ah.

Qarax dhawaan bartamaha xaafadda Islii lagula eegtya gaadiid rakaab ah ayaa sababay dhimashada 10 qof iyo dhawaaca in ka badan sodon qof oo rayid ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya