4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 22, 2012
Hay'adda Nabadsugidda Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Howgallo ay ku qabteen Xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Hub
Khamiis, November 22, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada nabadsugidda gobolka Banaadir ee dowladda Soomaaliya, Col. Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in howgal ay ciidamada nabadsugiddu ka sameeyeen degmada Huriwaa ay kusoo qabteen rag ka tirsan Al-shabaab iyo hub ay lahaayeen.

Col. Ereg ayaa sheegay in ciidamada nabadsugiddu ay warbixin ka heleen kooxaha ay qabteen oo ku sugnaa deegaanka Cali-turcaaye ee degmada Huriwaa, kuwaasoo uu sheegay inay doonayeen inay weerarro ku qaadana saldhigyo ay dowladdu ku leedahay degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid.

"Waxaan ku guuleysannay inaan xog ku helno in koox Al-shabaab ka tirsan ay isku dayayeen inay weerar ku qaadaan saldhigyo ay dowladda ku leedahay degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid, waxaana qabannay dadkii iyo hubkaas," ayuu yiri Col. Ereg oo sheegay in iskahorimaad kooban oo dhacay uu ku dhintay hoggaamiye sare oo Al-shabaab ka tirsan.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: "Sarkaalka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Cabdinuur Gar-dhuub. Sidoo kale waxaan soo qabannay 16 ruux oo Al-shabaab ka tirsan, kuwaasoo ahaa kuwii doonayay inay weerarka qaadaan."

Mid ka mid ah dhalliyarada lasoo qabtay oo saxaafadda la hadlay ayaa qirtay inuu ka mid ahaa Al-shabaab, wuxuuna ka codsaday dowladda inay cafis u fidiso isagoo ballanqaaday inuu ka bixi doono howlaha uu ku jiro.

"Al-shabaab waxay gurigeyga dhigan jireen hubka, waxaana ka tirsanaa muddo laba bilood ah, muddadii ka horreysay waxaan ahaa arday iskuul dhigta," ayuu yiri Cabdirisaaq Ibraahin Salaad oo la sheeagy inay ka mid ahaayeen Al-shabaab ee ay soo bandhigtay saxaafadda.

Xarunta hay'adda nabadsugidda ee Muqdisho ayaa saakay lagu arkayay waalidiinta dhallinyarada lasoo qabtay, kuwaasoo sheegayay in caruurtooda aysan Al-shabaab ka mid ahayn, ayna doonayaan in loo sii daayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya