4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 22, 2012
Kenya iyo Itoobiya oo ku Heshiiyay inay si Wadajir ah uga shaqeeyaan sidii nabad loogu soo celin lahaa Soomaaliya
Khamiis, November 22, 2012 (HOL) — Dalalka Kenya iyo Itoobiya oo xuduud la leh Somaaliya ayaa ku heshiiyay Arbacadii shalay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan lagu soo celiyo Soomaaliya deggenaasho, kaddib in ka badan 20-sano oo colaado ay ka jireen.

Heshiiska ayaa la shaaciyay kaddib kulan ay wafdiyo ka socday Itoobiya iyo Kenya ku yeesheen magaalada Nairobi ee xarunta Kenya kaasoo socday labaadii maalmood ee lasoo dhaafay, kaasoo ay ka qayb-galeen ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Disaleng iyo madaxweynaha Kenya, Mwai Kibaki.

"Kenya iyo Itoobiya waxay isku heshiiyeen inay xoojiyaan dadaallada lagu doonayo in nabad iyo deggenaasho looga dhaliyo dalka ku yaalla Bariga Afrika (Soomaaliya)," sidaas waxaa saxaafadda u sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, Thuita Mwangi.

Sidoo kale, madaxa xubnaha Afirka ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Wondimu Asaminew oo isaguna sheegay in kulanka sidoo kale looga hadlay adkeynta xiriirka u dhexeeya Kenya iyo Itoobiya.

"Kulankan waxaa hoosta looga xariiqay in labada dal yeeshaan xiriir wada-shaqeyn oo adag," ayuu yiri Asamiunew, isagoo intaas ku daray: "Waxaan kaloo ka hadalnay sidii aan uga shaqeyn lahayn xasilinta dalalka gobolka ku yaalla".

Madaxweynaha Kenya iyo ra'iisul waasaraha Itoobiya ayaa iyaguna sheegay inay ku heshiiyeen inay xoogga saaraan sidii nabad loogu soo celin lahaa Somalia, waxayna intaas ku dareen in dadaallada ay ciidamadooda ka wadaan Soomaaliya ay yihiin kuwo lagu soo celinayo nabadda, iyagoo ugu dambeyn ammaanay dalalka Uganda, Burundi iyo Jabuuti oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo dalalka dariska la ah Soomaaliya ay ku gaareen inay ka shaqeeyaan nabad kusoo celinta Soomaaliya, kaddib dagaallo ka socday in ka badan labaatan sano.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya