4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 21, 2012
Safaaradda Somalia ay ku leedahay Belgium oo ku guuleysatay inay ka saarto Ajaaniib Deggenayd Xarunta Safaaradda (SAWIRRO)

Arbaco, November 21, 2012 (HOL) — Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Belgium ayaa ku guuleysatay inay xarunta safaaraddaas ka saarto dad si sharci daro ah kuu deggenaa muddo 18 sano ah, iyadoo arrintan ay timid kaddib markii ay maxkamadda Belgium go'aan ku gaartay in in dadka deggen xaruntaas safaaradda ay isaga baxaan.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo Talyaaniga, danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa arrintan ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, maadaama dadkii sharci-darrada ku deggenaa safaaradda Soomaaliya laga bixiyay, isagoo xusay in juhdi badan la geliyay sidii ay arrintan ku dhici lahayd.

Danjire Nuur Cadde ayaa sheegay in tan iyo sannadkii 2010-kii oo si rasmi ah ula wareegeen howsha xafiiska safaaradda Belgium ayna tan iyo xilligaas ku howlanaayeen sidii ay uga saari lahaayeen dadka sharci-darrada ku deggenaa dhismaha safaaradda, ugu dambeynna ay arrintaas ku guuleysteen 19-kii bishan.



Sidoo kale, danjiruhu wuxuu sheegay sheegay in marxalado kala duwan ay u soo mareen sidii ay ku horumarin lahaayeen adeegyada safaaradda, isagoo tilmaamay in ay howsha ka billaabeen meel eber ah, mudo hal sano ahna ay ku shaqeynayeen xafiis ay ijaarteen, sannad kalena ay ku howlanaayeen dib u habeynta iyo in dadka sida sharci-darrada looga saaro dhismaha safaaradda.

Danjire Nuur Cadde ayaa sheegay inay jireen qaar ka tirsan dadkii sharci-darrada ku deggenaa oo diiday inay ka baxaan dhismaha safaaradda, balse ciidamada booliiska Belgium ay si xoog ah ugu saareen, iyadoo la fulinayo go'aannadii maxkamaddu ay ku xukmisay in laga saaro dadkaas.

Dhanka kale, danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo dalka Talyaaniga ayaa ka hadlay hadallo maalmahaan ay baahinayeen warbaahinta qaarkeed oo sheegayay in gurigii safaaradda Talyaaniga shirkad ajnabi ah laga kireeyay, isagoo wararkaas ku tilmaamay in loo turjumay si khalad ah oo xaqiiqda ka fog.

"Shan dhismo oo dowladda Soomaaliya leedahay ayaa ku yaalla dalka Talyaaniga, qaarkood waa kuwo burbursan oo aan lagu noolaan karin, iyadoo laga soo saray digniin ku saabsan inaan lagu noolaan karin, taasina waxay keentay in dadkii laga bixiyo si loo badbaadiyo dib u dhiskiisa iyo dayactirkiisa, mar haddii hay'addihii ku shaqada lahaa yiraahdeen gurigan lama degi karo, lagumana shaqeyn karo, illaa dib u dhis loogu sameeyo, dabcan annagana taas ayaa raadinaynay," ayuu yiri danjire Nuur Cadde oo sheegay inay heleen shirkad dib u dhis ku sameysa, taasoo lacagta ay ku dhisayso u goosan doonta qaab ijaar ah.



Danjire Nuur Cadde wuxuu sheegay in kharashka kasoo xaruntooda uu ku bixi doono adeegyada safaaraddaha Soomaaliya ee Talyaaniga iyo Brussels iyo dib u habeynta dhismooyinka kale ee burbursan.

"Safiirka mas'uul ayuu ka yahay hantida ay leedahay dowladda Soomaaliya ee ku taalla meesha uu safiirka ka yahay, sidoo kalena xil weyn ayaa ka saaran sidii lagu badbaadin lahaa dhismaha safaaradda," ayuu yiri danjire Nuur Cadde.



Safiirku wuxuu hadalkiisa ku daray in shan guri oo safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga ay leedahay ay ku yaalaan Roma kuwaasoo burbursan, isagoo xusay in haysan hayn wax ay ku dayactiraan; balse ay heleen shirkad u dayactirta, taasna ay ka wanaagsan tahay. Wuxuuna hoosta ka xariiqay in heshiiska shirkadda guriga dayactiraysa ay safaaraddu ka bixin doonto xilligii ay doonto, haddii loo helo kharasha dayactirka ka galay.

Ugu dambeyn, danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo dalka Talyaaniga ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dib u dhiska safaaradda Soomaaliya ee Roma ay noqon doonto mid lagu faa'iido oo dhismooyinka kale ee safaaradda lagu badbaadin doono, wuxuuna meesha ka saaray wararka ay warbaahinta Soomaaliyeed qaar ka mid ah baahiyeen.

Cali Muxyadiin Cali
[email protected]
Brussels, Belgium