4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 2 , 2012
Hay'ado ka tirsan kuwa Qarammada Midoobay oo sheegay inay xafiisyo ka furayaan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
Jimco, November 02, 2012 (HOL) — Hay'ado ka tirsan kuwa Qarammada Midoobay oo ku shiray magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay inay ka bilaabayaan howlahooda gargaarka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo ay bishii lasoo dhaafay la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howgalka AMISOM.

Hay'adahan oo ay ka mid yihiin WHO, WFP iyo kuwo kale ayaa waxay kulankooda uga hadlay sidii ay xafiisyo uga furan lahaayeen magaalada Kismaayo oo muddo sannado ah aysan ka shaqeyn haya'daha gargaarka, isla markaana shacabka ku nool aysan helin gargaar bani'aadamnimo muddo dheer.

Sidoo kale, hay'adahan waxay sheegeen in Kismaayo ay tahay magaalo muhiim ah marka la eego howlaha hay'adaha gargaarka, iyagoo sheegay inay halkaas dib uga billaabi doonaan howlihii gargaar ee caafimaadka iyo garagaarrada kale ee ay dadku u baahan yihiin.

Magaalada Kismaayo oo muddo shan sano ah ay ka talinaysay Xarakada Al-shabaab ayaanay gaarin wax gargaar ah oo dunida ka socda, iyadoo la xusuusto inay goobo badan oo ay Al-shabaab ka taliso laga eryay hay'adaha gargaarka caalamka.

Tallaabada ay hay'adaha gargaarka Qaramada Midoobay ku sheegeen inay uga howlgalayaan Kismaayo ayaa waxay imaanaysaa xilli ay magaaladaas dhowr jeer oo hore booqdeen wafdiyo kala duwan oo ka socda hay'adaha gargaarka calaamka iyo kuwa Qaramada Midoobay.

Dhanka kale, go'aanka hay'adaha ay ku gaareen inay Kismaayo uga howgalaan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay halkaas ka socdaan howgallo ay sameynayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya, kuwaasoo lagu sugayo ammaanka magaaladaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya