4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 15, 2012
Dowladda Uganda oo sheegtay inay ka laabatay go'aan ay ciidamadeeda uga saari lahayd dalal ay ku jirto Soomaaliya
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Xukuumadda Uganda ayaa sheegtay inay ka laabatay go'aankii ay ciidamadeeda uga saaraysay Soomaaliya iyo dalal kale oo ku yaalla Afrika, taasoo ka dhalatay caro ay Uganda ka qaaday warbixin ay guddi ka tirsan Qaramada Midoobay ku sheegeen in dalalka Uganad iyo Ruwanda ay taageero siiyaan jabahadda M23 ee ka dagaalanta bariga dalka Jamhuuriyadda Congo.

Ra'iisul wasaaraha dalka Uganda, Amama Mbabazi ayaa baarlamaanka dalka Uganda u sheegay in la xalliyay khilaafkii sababay inay Uganda ku dhawaaqdo inay kala soo baxayso ciidamadeeda dalalka gobolka oo ay Soomaaliya ku jirto.

"Sababtii aan u go'aansannahay inaan ciidamadeenna uga soo saarno dalal ay ka mid tahay Soomaaliya waxay ahay si aan uga hortagno weerarro kaga yimaada dalka Uganda iyo koox argagaxiso ah oo ay Qaramada Midoobay taageerto," ayuu yiri ra'iisul waasaraha Uganda.

Arrintan ku saabsan in Qaramada Midoobay ay taageerto argagaxiso ayaa muran badan dhalisay, iyadoo lagu sheegay eedeynta Qaramada Midoobay inay tahay mid meel ka dhac ku ah sharciyada caalamiga ah ee ay ku dhisan tahay Qaramada Midoobay.

Dalka Uganda ayaa waxay hoggaaminaysa howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee ka socda Soomaaliya, iyadoo ay kaga sugan yihiin kumannaan askari oo isugu jira booliis iyo milateriga, waxaana go'aankooda uu walaac weyn geliyay dowladda Soomaaliya.

Inkastoo dowladda Uganda ay ka laabtay go'aankii ay ciidamadeeda uga saaraysay Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrikaan ah ayay haddana guddiga baarista ee UN-ku ay ku adkeysanayaan go'aankoodii ahaa in Uganda ay taageerto jahadda M23 ee ka dagaalanta dalka ay dariska yihiin ee Congo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya