4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 1 , 2012
Midowga Afrika oo ka dalbaday Golaha Ammaanka in la taageero AMISOM lana qaado Cunno-qabateynta Hubka ee Soomaaliya
Khamiis, November 01, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa ka dalbaday golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inay xoojiyaan taageerada ay siiyaan ciidamadooda ku sugan Soomaaliya, sidoo kalena Soomaaliya laga qaado cunno-qabateynta hubka ee saaraan Soomaaliya, lana adkeeyo xayiraadda lagu soo rogay dhoofka dhuxusha Soomaaliya.


Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan ciidammo ka socda Midowga Afrika oo tiradoodu ka badan tahay 12,000 askari oo ka kala socda dalalka, Uganda, Burundi, Kenya iyo Jabuuti, kuwaasoo gacan ku siinaya ciidamada dowlada dagaalka ay kula jiraan xoogagga Al-shabaab.

"Nabadda oo soo laabata iyo nolosha dadweynaha oo caadi noqota waxay ku xiran tahay ammaan iyo in Al-shabaab laga adkaado, taasna waxay ku xiran tahay in la qaado cunno-qabteynta hubka lana taageero ciidamada Midowga Afirka ee ku sugan Soomaaliya," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Midowga Afrika shalay oo Arbaco ahayd.

Sidoo kale, ururka Midowga Afrika wuxuu ku baaqay in la adkeeyo xayiraadda lagu soo rogay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, taasoo ay ku tilmaameen inay dhaqaale ka hesho Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada dowladda iyo kuwa ay gacan ka helaan.

"Cunno-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya oo la qaado waxay sababaysaa in la xoojiyo awoodda ciidamada difaaca Soomaaliya iyo hay'adaha ammaanka," ayaa lagu yiri warbixinta Midowga Afrika.

Howgalka Midowga Afrika oo muddo dheer soo socday ayaa waxay ciidamadooda ku guuleysteen inay qabsadaan degmooyin badan oo ay Al-shabaab ka talin jirtay sida Kismaayo, Baydhabo, Baladweyne, Afgooye, Marko iyo Balcad oo dhammaantood ahaa goobo ay ku xooggan tahay Al-shabaab.

Dalabka Midowga Afrika ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo bishii September ee lasoo dhaafay ay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya u doorteen madaxweynaha cuusb ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana sidoo kale uu dalabkan kusoo beegmayaa xilli Soomaaliya ay ka baxday xilligii KMG ahaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya