4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 9 , 2012
Qarax xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Kooxo hubeysan oo laba qof ku dilay Degmada Dharkeynley

Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay laba qof ku toogtay degmada degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, sidoo kalena waxaa xalay uu qarax miino ka dhacay waddada soddobka gaar ahaa inta u dhexeysa isgoysyada Black Sea iyo Baar Ubax, waxaana halkaas ku dhintay ruux la sheegay inuu aasayay miinada.

Maydka ruuxa la sheegay inuu miinada dhigayay ee dhintay ayaa waxaa jirkiisa ka muuqday gubasho iyadoo intiisa badanna uu googo'ay sida ay HOL u xaqiijiyeen dad ku sugan deegaankaas, mana jirto khasaare ay miinadaas geysatay.

"Qaraxu wuxuu ahaa mid xooggan wuxuuna dhacay 10:30 habeenimo ee xalay, aad ayaan u baqnay, waayo waxaan moodnay hoobiye," ayay HOL u sheegtay Bishaar Macallin oo ka mid ah dadka deggan xaafadaha u dhexeeya labada isgoys.

Goobjoogayaal kale ayaa HOL u sheegay in ciidamada nabadsugidda DKMG ah ay u dhaceen saakay dhowr guri iyo iskuullo halkaasoo ay baaritaanno ku sameeyeen, balse lama sheegin cid ay kala baxeen.

Ma jiro hadal kasoo baxay saraakiisha dowladda KMG ah oo ku saabsan qaraxii xalay ka dhacay inta u dhexeysa isgoysyada Black Sea iyo Baar Ubax, mana ahan markii ugu horreysay oo qarax noocan oo kale ah uu ka dhaco jidka soddonka.

Dhanka kale, kooxo hubeysan ayaa xalay toogtay laba qof oo la sheegay inay rayid ahaayeen, iyadoo kooxihii dlikaas geystay ay baxsadeen, mana cadda sababta ay u dileen labdaas qof.

Maamulka degmada Dharkeynley ayaan ka hadlin dilalkii xalay ka dhacay degmadaas iyadoo la xusuusto in habeen hore lagu dilay degmada Wadajir shan qof oo qaar ka mid ah ay ka mid ahaayeen ciidamada dowladda DKMG ah ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya