4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 8 , 2012
Maamulka Gobolka Hiiraan oo Waxba kama jiraa ku tilmaamay in Ciidammo ka tirsan AMISOM tageen Magaalada Beledweyne

Talaado, May 08, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa maanta beeniyay warar maalmihii ugu danbeeyayba si weyn u hadal hayeen warbaahinta Soomaalida kuwaasoo sheegaya in ciidammo ka socda dalka Jabuuti qeybna ka ah AMISOM ay gaareen magaalada Beledweyne.

Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan, Max’ed Nuur Caga-joof oo la hadllay HOL ayaa sheegay inaysan jirin ciidammo ka socda dowladda Jabuuti Beledwene tagay hasse ahaatee la filayo dhawaan inay soo gaaraan.

"Waa warar been abuur ah, ma jiraan ciidammo ka socda Jabuuti oo halkaan jooga, waxaa la yaab leh in halka warbaahintu warkan ka keeneen, ma fahmi karo halka ay kasoo xigteen, mar kale ayaan leeyahay waa waxba kama jiraan, Baladweynana ma joogaan joogaan ciidammo Jabuutiyaan ah,'' ayuu yiri Caga-joof

Sidoo kale, C/wali Xasan Jimcaale Cowke oo ka mid ah mas’uuliyiinta warfaafinta ee maamulka ayaa isna sheegay in wararka noocaas oo kale ah loo baahan yahay in wax laga weydiiyo maamulka, isagoo dhinaca kale raaciyay in ciidamada Jabuuti ay imanayaan loona diyaariyay goobihii ay degi lahaayeen.

"Goobihii ay degi lahaayeen waa loo diyaariyay, waana ay soo gaarayaan magaalada ciidamada Jabuuti, laakiin waqtigan hadda ah ma jiraan ciidamo Jabuuti ka socda oo ku sugan qeyb ka mid ah gobollka Hiiraan," ayuu yiri C/wali Xasan.

Warbaahinta ayaa maalmihii ugu danbeeyay siweyn u hadal hayay warar sheegaya in ciidamo qeyb ka ah xoogagga AMISOM kana socda dalka Jabuuti tageen magaalada Beledweyne, gaar ahaan deegaannka Kala-beyr ee gobollka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya