4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 8 , 2012
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo talaabo hormar ah ku tilmaamay doorashada Duqa degmada Beledweyne


Talaado, May 08, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo maalintii shalay goob-joog ka ahaa kulan ay gollaha deegaannka degmada Beledweyne ku soo dooranayeen Duqa degmada, ayaa sheegay in uu soo dhamaaday waqtigii bulshada loo soo magacaabi jiray hogaan-ka, laakiin wixii hadda ka danbeeya la doonayo in dadku iyaga soo doortaan cidii ay doonayaan.

"Marka ugu horeysay waan idinku hanbalyeeynayaa haddii aad tihiin gollaha deegaannka degmada Beledweyne doorashada Duqa degmada, waa talaabo muhiim, waxaana ay arintani muujineysaa in uu soo dhamaaday waqtigii dadka dusha looga keeni jiray hogaan-ka, dadka iyaga ayaa u madaxbanaan in ay soo doortaan cida ay doonayaan,’’ ayuu yiri,’’ guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay in taalabada ay qaadeen gollaha deegaannka degmada Beledweyne ay tahay hormar iyo waliba biseyl muuqda oo ay dadku ka gaareen in ay xushaan cida ay is leeyihiin waad ku aamin kartaa howsha aad markaa u baahan tihiin.

Duqa degmada Beledweyne Max’ed Xassan Nuuriye oo maalintii shalay la doortay ayaa sheegay in xilku uusan aheyn wax fudud, hasse ahaatee uu rajenayo in uu ka soo baxo mas’uuliyada la saaray.

"Waxaan hortiina ka balan-qaadayaa in aan si daacadnimo ku jirto aan u gudan doono xilka aad i saarteen, dabcan haddii aan ka soo dhalaali waayo waajibaadka i saraan, waxaad xaq iigu leedihii in aad igala noqotaan, ‘’ ayuu yiri,’’ Max’ed Xassan Nuuriye.


Waxaa kaloo uu intaa ku darray in muhiimada ugu horeysa uu siin doono sidii wax looga qaban lahaa mashaakilaadka ka dhax jira arrimaha bulshada, haddii ay ahaan laheyd caafimaadka, waxbarashada, nadaafada, iyo dib u soo celinta bilicdii luntay ee degmada Beledweyne.

Kulanka lagu doortay Duqa degmada Beledweyne ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa qurbo joog mudo dheer ay dalka ugu danbeysay, kuwaasoo sheegay in aad ugu faraxsan yihiin ka qeyb-galka kulan dadku ku soo dooran lahaayeen hogaankooda, iyaga oo carab-ka ku dhuftay in Duqa degmada mas’uul howl-balaaran haya marka loo eego nidaamyada ka jira dunida.

Soo doorashada Duqa degmada Beledweyne ayaa noqoneysa marka aad dhinac ka eegto tii ugu horeysay ee nooceeda ah oo ka dhacda magaalada Beledweyne, madaama markii hore wareegto lagu soo magacaabi jiray guddoomiyaha degmada iyo Duqa magaalada intaba.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya