4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 8 , 2012
Dowladda KMG Soomaaliya loogu baaqay inay cadaaladda horkeento kuwa caadeystay dilka Suxufiyiinta Soomaalida

Talaado, May 08, 2012 (HOL) — Haweeneyda madaxda ka ah hay'adda UNESCO oo Qaramada Midoobay u qabilsan waxbarashada, sayniska iyo dhaqanka ayaa maanta ugu baaqay dowladda KMG ah inay cadaaladda horkeento kuwa caadeystay dilka suxufiyiinta Soomaalida.

Warbixintan ayay hay'addu ku dalbatay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo horkeeno sharciga kuwii dilay wariye Farxaan Jeemis Cabdulle oo 27-jir ahaa laguna dilay bishan labadeedii degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

"Dadaal walba waa in lagu bixiyo sidii lagu soo qaban lahaa kuwii dilay Jeemis oo ka tirsanaa shaqaalaha idaacadda Daljir si loo horkeeno cadaaaladda," ayay tiri Irina Bokova oo ah madaxa hay'adda UNESCO iyadoo xustay inaan loo dulqaadan karin falalkan oo kale.

Bokova waxay hoosta ka xariiqday in dowladda KMG ah iyo muullada dalka ka jira ay xoogga saaraan sidii ay ku difaaci lahaayeen suxufiyiinta Soomaalida oo xilligan adag go'aansaday inay dadkooda u shaqeeyaan.

"Dilkii Farxaan oo ahaa mid naxdin leh waxaa lagu soo beegay iyadoo loo dabaal-degayo maalinta xorriyada hadalka," ayay tiri haweeneydan, waxayna intaas ku dartay in dadka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay fikirkooda cabiraan.

Ugu dambeyn, waxay sheegtay in dastuurka Soomaalida uu ogol yahay xorriyadda hadalka, sidaa daraadeedna looga baahan yahay dowladda inay xil weyn iska saarto sidii ay uga hortegi lahayd kuwa dilalka aan kala go'a lahayn u geysanaya suxufiiinta Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya