4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 8 , 2012
Madfac khasaare nafeed geystay oo xalay ku dhacay degmada Hodan iyo Qarax saaka ka dhacay Degmada Wardhiigley

Talaado, May 08, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo qoys kasoo wada-jeeda ayaa ku dhintay, sagaal kale way ku dhaawacmeen kaddib madfac aan la garanayn halka uu ka yimid oo xalay ku dhacay xaafadda Zone-K ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Shanta qof ee ku dhintay madfaca ayaa waxay isugu jireen saddex qof oo waaweyn iyo laba cunug oo yaryar, kuwaasoo midkood uu ku dhintay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in madfaca khasaaraha geystay uu ku habsaday guri ku yaalla xaafaddaas, uuna halkaas ka geystay geerida iyo dhaawaca dhowr qof oo kale, halka dadka dhaawacmay ay ku jiraan dad daris la ahaa guriga uu madfacu ku dhacay.

Lama oga halka uu madfacan ka yimid, waxaase warar aan la hubin ay sheegayaan inuu ahaa mid ka baxsaday saldhigyo ku yaalla Muqdisho, iyadoo isbitaalka Madiina lagu daweynayo dadkii ku dhaawacmay madfacaas.

Howl-wadeennada isbitaalka ayaa sheegay in dhaawacyada qaarkood ay yihiin kuwo halis ah, mid ka mid ahna uu saakay ku dhintay isbitaalka, iyadoo tani ay cabsi weyn ku beertay dadka ku nool xaafadda uu madfacu ku dhacay.

Madfac kale oo aan la ogeyn khasaaraha uu geystay ayaa isagana xalay ku dhacay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho, waxaana madaafiicdan uu midkood khasaaraha geystay laga maqlay xalay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Dhanka kale, Qarax miino oo saakay ka dhacay xaafadda Xararyaalle ee degmada Wardhiigley ayaa geystay dhaawacyada saddex qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen askar ka tirsan ciidamada dowladda, halka ruux kalena ay ahayd haweeney rayid ah.

Miinada qaraxa sameystay ayaa la sheegay inay ka mid ahayd miinooyin ay arkeen ciidamada dowladda ayna halkaas ka saarayeen, balse ay si lama filaan ah qarax u sameysay, inkastoo aysan sababin wax dhimasho ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya