4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 7 , 2012
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo xadhiga ka jaray dhisme loo dhisay Guddida Doorashooyinka Somaliland (SAWIRRO)


Isniin, May 07, 2012 (HOL)- Munaasibad balaadhan ayaa loo sameeyey dhisme cusub oo saddex dabaq ka kooban oo loo dhisay guddida doorashooyinka Somaliland, waxaana xadhiga ka jaray Madaxweyne ku-xigeeenka Somaliland Md. CabdiRaxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Xafladan waxa ka soo qaybgalay Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale, Madaxa barriga iyo badhtamaha hay’ada Inter-peace Cabdiraxmaan Raage, xubno ka socday Guddida Somaliland ka taageera kobcinta dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Ciise Yuusuf X. Maxamed (Xamari), waxaanu sheegay qaabka doorashadda dawladaha hoose inay ka duwan tahay qaabkii hore, iyadoo wakhtigii hore qofku Dooran jiray ururka, balse imika la dooranayo qofka musharaxa ah, taasina ay keenayso Kharash ka badan tii hore iyo in la fahansiiyo dadka codka bixinaya qaabkan cusub.


Guddoomiye Xamari waxa uu u mahad celiyay qaadhaan-bixiyeyaasha taageera dimuqraadiyadda Somaliland oo ay ka mid yihiin Maraykanka, SWEDEN, UK, SWIZERLAND, Midowga Yurub, Denmark iyo NORWAY. Waxa kale oo uu xusay inay kaalin ka qaateen dhismahan jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan dalka dibadiisa.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo isna munaasibadaasi ka hadlay, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in dhisme weyn loo dhiso Gudida doorashooyinka qaranka oo uu tilmaamay inay shaqo xasaasi ah u hayaan dalka.

U qaybsamaha arrimaha Soomaaliya ee safaaradda Maraykanka Mr. Douglas Meurs,isla markaana ka mid ah gudidda deeqbixiyeyaasha Caalamiga ah ayaa sheegay in wax ka bedelka lagu sameeyey nidaamka doorashooyinka  golaha deegaanka Somaliland ay soo dhoweeyeen ururadda iyo xisbiyadda uu la kulmay, isla markaana nidaamkani ka balaadhan yahay kii hore, oo u baahan yahay sidii loo fahansiin lahaa dadka codaynaya iyo agab ka badan kii hore ee doorashaddii hore lagu galay.


Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), Wasiirka warfaafinta Md. Boobe Yuusuf Ducaale iyo Guddoomiyaha Barriga iyo badhtamaha hay’ada Inter-peace Cabdiraxmaan Maxamuud Raagge.

Intaas ka dibna waxa uu madaxweyne Ku xigeenku uu shahaado sharafyo gudoon siiyay Guddida qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka oo uu sheegay inay ku mutaysteen taageeridii doorashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka qabsoomay.





Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland