4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 7 , 2012
Kulan looga hadlay Ansixinta Dastuurka oo Wasiirro ka tirsan DKMG ay kula yeesheen Muqdisho Odayaasha dhaqanka

Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Kulankan ayaa waxaa looga hadlay sidii odayaasha dhaqanka ay qayb uga qaadan lahaayeen ansixinta dastuurka cusub ee dalka oo ay dowladdu doonayso in la meel mariyo si looga gudbo xilliga KMG ah ee lagu jiro.

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee DKMG ah, C/llaahi Goodax Barre oo la hadlay odayaasha ayaa u sheegay in heshiiska Roadmap-ka uu afar qodob oo waaweyn ka kooban yahay, saddex ka mid ahna ay dowladdu meel marisay.

"Qodobka saddexaad ee haray waa dastuurka, waxaana la idin kaga fadhiyaa inaad ansixisaan," ayuu Goodax u sheegay odayaasha dhaqanka, iyadoo isla goobta loogu qaybiyay odayaasha nuqullo ka mid ah dastuurka ay dowladdu soo diyaarisay.

Kulankan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Sabtidii lasoo dhaafay uu Muqdisho ka furmay shir ay yeelanayaan odayaasha dhaqanka, kaasoo lagu soo xulayo guddiga ansixinta dastuurka cusub si loogu gudbo xulidda xildihbaannada baarlamaanka.

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxay dadaal weyn ugu jirtaa sidii ay xilliga KMG ah u soo gabagabeyn lahayd marka la gaaro bisha Ogoosto ee sannadkan, iyadoo qorshuhu uu yahay in markaas kaddib ay Soomaaliya yeelato dowlad joogto ah.

Odayaashii kulanka looga hadlayay dastuurka ka qaybgalay ayaa waxay si aad ah u soo dhaweeyeen hadalkii wasiirku uu u jeediyay, iyagoo sheegay inay qaybtooda ka qaadanayaan sidii dalka uu uga bixi lahaa xilliga dowladda KMG ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya