4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 5 , 2012
Madaxda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo lagu wado inay daqiiqadaha soo socda furaan Shirka Waxgaradka Soomaaliyeed

Sabti, May 05, 2012 (HOL) — Madaxda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa ku sugan dugsiga tababarka booliiska oo ay ka socdaan khudbadihii furitaanka shirkaas oo ay 135 oday dhaqameed oo beelaha Soomaalida ka socda ay ku xulayaan ergooyinkii ansixin lahaa dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra'iisul wasaaraha C/weli Maxamed Cali iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku sugan iskool bulusiyo oo ah halka uu shirku ka furmayo, iyadoo ay socdaan khudbooyin ay jeedinayaan waxgaradka uu shirku u furmayo iyo marti sharafta kale ee goobjoogga ka ah furitaanka shirka.

Wasiirro ka tirsan dowladda ayaa iyaguna ku sugan goobahaas, waxaana ka mid ah wasiirka wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka, C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ka sheegay madasha shirka in dastuurka uu yahay mid ay Soomaaliya leedahay balse uusan ahayn mid uu shaqsi u gaar ah.

Mudane Xoosh Jabriil wuxuu beeniyay inay dastuurka ku jiraan qodobbo khalad ah isagoo ku tilmaamay kuwa wararkaas baahinaya fidno wadayaal aan laga yeelayn hadalkooda, wuxuuna ku baaqay in la taageero dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa kulanka oo lagu waday inuu saakay furmo uu dib u dhac ku yimid kaddib markii ay madaxda DKMG ah dib uga dhaceen xilligii loogu talogalay inay goobta tagaan uu shirku ka furayo tagaan.

Madasha shirka ayaa waxaa ku sugan safiirrada dalalka safaaradaha ku leh Soomaaliya iyo ergooyin kale oo ajnabi ah, kuwaasoo goobjoog ka noqonaya shirka, iyadoo maanta uu shirku noqonayo mid furitaan ah.

Shirkan oday-dhaqameedyada oo socon doona muddo lix casho ayaa waxaa intiisa badan looga hadli doonaa xulidda 825-ergay ee lagu wado inay dastuurka cusub ee dalka ay ansixiyaa inta aysan bishan dhammaan.

Iyadoo madaxda DKMG ah ay ka hadli doonaan shirka ayaa waxaa lagu wadaa inuu ugu dambeyn ku dhawaaqo in shirkaas uu furan yahay, waxaana wixii maanta ka dambeeya ay waxgaradku gudo-geli doonaan doodaha iyo xulidda ergooyinka loogu talogalay inay ansixiyaan dastuurka soona xulaan xildhibaannada cusub ee uu dalku yeelanayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya