4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2012
Dawladda Hoose Hargeysa oo dadka uga digtay Qashinka lasoo raacinayo Daadadka Roobabka, Kuwaasoo Awdaya biyo Mareennadda


Jimco, May 04, 2012 (HOL) — Dawladda hoose ee magaaladda Hargeysa, ayaa tan iyo sidii roobabkii u xidheen biyo mareenaddii ku mashquulsan sidii ay u furi lahaayeen biyo mareenadda ay camuudda iyo khashinku awday.

Shaqaalaha dawladda hoose ee Hargeysa markii ay ku filnaan kari waayeen inay camuudda oo aad u badan ka guraan ayey usoo kiraysteen cagafcagafyo casri ah oo waxyaalihii xidhay miyo mareenadda ka gurayey, iyagoo iska rogooyinka dawladda hoose ay qaadayaan.

"Dadweynaha sharafte leh waxaan ka codsanaynaa haddii aanu dadweynuhu nala shaqayn hawli socon mayso marka waa inay nala shaqayeen"ayuu yidhi, Cabdiraxmaan Cumar Maxamed, kormeerka guud ee Arrimaha bulshadda ee dawladda hoose oo ka hadlayey dhibaatooyinka ay leeyihiin meelahan xidhmay, waxaanu intaas ku daray " meelahan ay biyuhu maraan ee xidhmay dhibaatooyin badan ayey ku keenaysa dadka, marka koowaad waxay u keenaysa caafimaad daro, ta labaad bilicdii magaaladda iyo quruxdeedii ayey wax u dhimaysaa, ta sadexaad biyihii baa ku xidhmaya markaa waa inay dadku dantoodda gartaan oo ay qashinka ay ku darayaan iska ilaaliyaan"ayuu yidhi.


Kormeeraha guud ee arrimaha bulshaddu waxa uu dadka uga digay inay Qashinka soo raaciyaan biyaha kuwaas oo awdaya meelaha ay biyuhu mari lahaayeen oo buuro isku bedelay, taasina ay keenayso inay biyihii socon waayaan.

Si kastaba ha ahaatee, laamaddii cusbayd ee dhoweynta la sameeyey iyo kuwii horaba waxay khatar ugu jiraan inuu daadku jaro ka dib markii loo samayn waayey meelo biyo mareen ah oo daadka ka leexiya inay laamidda jaraan, waxaana laamiyadda qaarkood aad arkaysa iyadoo soo yaraanaya, isla markaana hareerihii ka soo go’ayaan.

Sidoo kale waxa jira ganacsato miyo mareenaddii xaga sare ka awday oo doonaya inay gaadiidku usoo dulmaraan, kuwaas oo khatargalin karta inay biyo mareenadaasi xidhmaan, isla markaana la waayo meel laga guro haddii ay camuuddi awdo.



Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland