4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2012
Kooxo Weeraray guri ay deggenaayeen ciidamada dowladda KMG ah iyo dilal xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Jimco, May 04, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday guri ay deggenaayeen ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ku yaalla degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadda Xamarjadiid.

Weerarkan oo mas'uuliyadiisa ay sheegatay Al-shabaab ayaa wuxuu socday muddo saacad ku dhow, waxaana dhinacyadu ay isku adeegsanayeen rasaasta waxaana lagu arkay saakay halkaas maydka qof xiran tuute oo dhexda ka go'ay.

Ciidamada dowladda ee weerarka lagu qaaday ayaa sheegay in ruuxaas uu ahaa mid ka mid ah kooxihii xalay weerarka soo qaaday, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha kale ee ka dhashay dagaalkaas oo cabsi weyn ku beeray dadka xaafaddaas ku nool.

Howlgallo ay ciidamadu ay sameeyeen saakay ayaa waxay kusoo qabqabteen dad badan inkastoo intooda badan lasii daayay, iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen in dagaalkii xalay uu saameyn ku yeeshay.

Dhanka kale, ugu yaraan afar qof oo qaarkood ay ciidammo ka tirsan dowladda KMG ah yihiin ayaa xalay lagu dilay degmooyinka Kaaraan, Shibbis iyo Yaaqshiid waxaana mid ka mid ah dadkan lagu dilay qarax miino.

Laba ka mid ah dadkan la dilay ayaa waxaa lagu dilay degmada Kaaraan, halka mid kalena lagu dilay xaafadda Caymiska ee degmada Yaaqshiid iyo ruuxa kale oo isna lagu dilay bartamaha degmada Shibbis.

Dilalkan ayaa waxaa dhammaantood sheegatay Al-shabaab, waxaana afhayeenno ka hadlay idaacadda Andulus ay sheegeen in afartan qof ay isugu jireen ciidammo ka tirsan nabadsugidda dowladda Soomaaliya iyo kuwa milateriga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya