4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 30, 2012
Ciidammo ka tirsan Booliiska Kenya oo lagu dhaawacay Weerar ka dhacay Xuduuda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya

Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa sheegay maanta oo Arbaco ah in afar askartooda ka tirsan lagu dhaawacay weerar gaadmo ah oo kooxo hubeysan ay shalay ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay ciidamadooda wateen xilli ay kasoo bas ay kooxo hubeysan ku weerareen Dhadhaab.

Taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, Leo Nyonges ayaa xusay in kooxo hubeysan ay weerarka fuliyeen, isagoo aan sheegin khasaarihii kooxaha hubeysan kasoo gaaray rasaas ay ciidamadu ku jawaabeen.

"Kooxo hubeysan oo Soomaali ah ayaa weerarka fuliyay," ayuu yiri Nyongesa oo ku daray hadalkiisa. "Waxay doonayeen inay gaariga ciidamadu wateen ay dhacaan ayna la galaan Soomaaliya."

Dhaawacyada askarta ayaa loo qaaday isbitaal, iyadoo taliyuhu uu sheegay in mid ka mid ah ay xaaladiisa caafimaad wanaagsan tahay, balse saddexda kale oo dhaawacyo halis ah qaba laga yaabo in daweyn loogu qaado magaalada Nairobi.

Soohdinta u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ku badan kooxo hubeysan oo ugaarsada gaadiidka ka shaqeeya magaalooyinka xuduudaha u dhow, xillli ay ku sugan yihiin ciidammo badan oo ammaanka ilaaliya.

Mas'uuliyiin Kenya ayaa waxay weerarrada ka dhaca xuduudda ku eedeyaan inay ka dambeyso Al-shabaab, inkastoo aysan kooxdan weligeed sheegan inay mas'ul ka tahay weerar ka dhacay gudaha dalka Kenya.

Dalka Kenya ayaa waxaa gudaha Soomaaliya kaga sugan kumannaan askari, iyadoo tan iyo markii ay ciidamada soo geliyeen gudaha Soomaaliya bishii Oktoobar ee sannadkii hore ay ka dhacayeen gudaha dalkaas qaraxyo ay khasaare kasoo gaarto dad shacab ah iyo ciidamada dowladda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya