4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 30, 2012
Xildhibaanada baarlamaanka oo kasoo horjeestay go'aannadii kasoo baxay shirkii Addis ababa
Arbaco, May 30, 2012 (HOL) - Xildhibaanada baarlamaanka ee taageersan Madoobe Nuunow Maxamed ayaa gaashaanka ku dhuftay go'aannadii kasoo baxay shirkii dhawaan ay saxiixayaasha Roadmapku ku yeesheen magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Qoraal ku wajahan beesha caalamka oo ay soo saareen ayay ku tilmaameen in go'aankii awoodda lagu siiyay madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu ahaa mid lagu mija xaabinayo awoodii baarlamaanka uuna, la mid yahay cinqilaabkii 1969kii ay dalka kula wareegeen milatarigu.

Qoraalka oo uu ku saxiixanyahay Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sidoo kale looga soo horjeestay dastuurka qabyada ah  oo lagu tilmaamay inuu yahay mid ay shacabku diidanyihiin sidaa darteedna loo baahanyahay in dalka lagu hago dastuurkii 1960-kii.

Tan iyo markii ay in ka badan 300 oo xildhibaan xilkii ka qaadeen gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Sheekh Aadan oo ay u doorteen gudoomiye Madoobe Noonow, ayaa baarlamaanka Soomaaliya uu labo u kala jabay, iyadoo ay fashilmeen isku dayo dhexdhexaadineed oo ay qaadeen beesha caalamka iyo madaxda Soomaalidu.

Hoos ka akhri nuqul kamid ah qoraalka oo ku qoran English oo lasoo garsiiyay Hiiraan Online.

QORAALKA.jpg
QORAALKA2.jpg
QORAALKA3.jpg

Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya