4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 30, 2012
Dib u dhac ku yimid Ciidamadii Jabuuti ee la filayay inay Maanta Gaaraan Degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Arbaco, May, 30, 2012 (HOL) — Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan waxaa dib u dhac ku yimid ciidamado ka socday dowladda Jabuuti oo lagu waday in ay maanta gaaraan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Maalintii shalay ayeey aheyd  markii saraakiil ka soctay midowgga Africa gaar ahaan dowladda dalka Jabuuti ay soo gaareen magaalada Beledweyne, iyaga oo kulamo la qaatay mas’uuliyiinta maamulka gobollka iyo saraakiisha dowladda Itoobiya.

Guddoomiyaha maamulka gobolka C/fitaax Xassan Afrax oo kulan la qaatay saraakiisha dowladda Jabuuti ayaa isaga oo la hadllayay maalintii shalay warbaahinta waxaa uu  sheegay in Arbacda maanta ah si rasmi u soo gaarayaan gobollka qeybtii ugu horeysay cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti, kuwaasoo qeyb ka noqon doona howlgalka midowgga Africa ee lagu baahinayo gobollada dalka Soomaaliya.

Dib u dhaca ku yimid imaashiyaha ciidamada Jabuuti ayaa lagu fasiray mid farsamo, hasse ahaatee ma jirto waqti cayiman oo ay sheegeen in ciidamadaasi ay soo gaari doonaan gobollka.

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ayaa qeyb ka ah gobollada dalka ee lagu wado in ay lagu fidiyo howlgalka AMISOM, iyaga badali doona ciidamada dowladda Itoobiya sida ay kol hore sheegeen saraakiisha midowgga Africa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
Beledweyne, Soomaaliya