4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 3 , 2012
Ra'iisul Wasaare C/weli oo Qaybaha Bulshada Soomaaliyeed kala hadlay Dastuurka, Dhameystirka Xilliga kala guurka ah iyo Amniga

Khamiis, May 03, 2012 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshadda Soomaliyeed; sida ururada, xubno ka tirsan culumaa’udiinka Ahlusunna iyo dhalinyaradda.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay arrimaha Roadmap-ka dib-u-hashiisiinta, amniga, dhameystirka dastuurka iyo sidii looga bixi lahaa xilliga KMG ah loona heli lahaa dowladd rasimi ah iyo waliba doorka ay dhalinyaradda, oday- dhaqameedyada iyo Culumaa’udiinku ka qaadan karaan arrimahan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in kulanka uu ku saabsan yahay in dowladda KMG iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ay ka qeyb-qaataan is-bedelka ay xukuumadu waddo isla markaana tilmaamay in dowladda ay tahay dowladd shacbiyeed.

Ugu horreyn; waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha ururka dhalinyaradda Qaranka Soomaaliyeed, Cabdullaahi Maxamed Nuur isagoo tilmaamay in dhaliyaradd ay diyaar in xal loo helo dhibaatada Somaaliya ka jirta.

"Dhaliyaradda waa kuwa ugu badan ee saameynta ku yeesheen dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya muddadii 20-ka sano ahayd ee lasoo dhaafay, waana kuwa u nugul in dowlad la helo maadaama ay dhibaatooyin badan la kulmeen sida, dilal, dhaawacyo, waxbarasho la’aan, badaha oo ay ku dhamaadeen iyo waliba in loo adeegsaday falal argagaxnimo," ayuu yiri C/llaahi Maxamed Nuur.

Sidoo kale, guddooyimaha ururada bulshada Banaadir oo isna kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in dhibaatooyinka ugu badan Soomaaliya ay ka dhacday gobalka Banaadir oo ah caasimada Soomaaliya, inkastoo uu sheegay in bilooyinkii u dambeeyay ay xukuumadda dadaal-dheer u gashay inay xasiliso gobalka iyo sidoo kale gobollada kale ee dalka qaarkood.

Dhanka kale, ra’iisul wasaare Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in xukuumadiisu ay u tahay diyaar inay wadashaqeen joogta ah la yeelato qeybaha bulshada ayna mar walba la tashanayso.

Gabagabadii kulanka ayaa wuxuu ra'iisul wasaaruhu ka sheegay in dhalinyaradda, haweenka, culummada iyo qaybaha kale ee bulshada ay xubin muhiin ah ka yihiin xukuumadiisa loogana baahan yahay inay ka wada-shaqeeyaan marxaladaha lagu jiro iyo dadaallada la doonayo in lagu dhiso dowladd rasmi ah oo Soomaaliya ay yeelato.

Xafiiska Warfaafinta Ra'iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya